Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Gudomiyaha Gobolka Jarar oo Shir Lagu Qiimaynayay Waxqabadka Adeegbixinta Hispitalka Dhagaxbuur u Qabtay Boardiga Caafimaadka Magaalda Dhagaxbuur.

Jigjiga(CN) Khamiis August-13-2015.Sida uu ku soo waramayo Wariyaha noo jooga Gobolka Jarar waxaa ka dhacay xafiiska gudomiyaha gobolka jarar Ka dhacay kulan lagu dardargalinayay Adeegbixinta caafimaadka Magaalada dhagaxbuur oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Jarar Mudane Farxaan Cabdi Maajuun.

Shirkan oo Alaaba diirada lagu saaro Heerka tayada adeegbixinta bukaan socodka bukaan jiifka iyo hooyada iyo caruurta ayaa waxaa ka soo qaybgala gudiga Boardiga Caafimaadka oo uu Shir gudoomiye ka yahay Gudoomiyaha Gobolku.
 
Mar aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay gudoomiaha Mudane Farxaan Cabdi Maajuun ayaa uu noo sheegay in qorshaha Gobolka dhanka Caafimaadka u dejisan Sida ku cad qorshaha isbedelka wajiga labaad ee GTP2 lana rabo in Gobol ahaan laga midho dhaliyo hirgalintiisa si ay bulshadu u hesho adeeg caafimaad oo ay kaga maarmaan in bukaanku safar u galo isbitaalo ka baxsan Gobolka Jarar.
 
Mudane farxaan ayaa intaa ku daray in shirarka noocan ah lagaga wada hadlo Qorshayaasha adeegbixinta isbitaalada,Qiimaynta waxqabadka iyo dardargalinta shaqada islamarkaana ay qiimayntu ahayd mid maqal iyo muuqaal lagu soo gudbinayay ayuu yidhi..