Xafiiska Caafimaadka DDSI oo Xaflad sagootis ah u Qabtay Qaar ka Mida Shaqaalaha laanta WHO u Qaabilsanaa DDSI.

Jigjiga(CN) Jimce August 14-2015.Xafiiska Caafimaadka DDSI ayaa Xaflad sagootis ah(Farewell) casho sharaf ugu sameeyay City Crown Hotel sarkaalo sare oo laanta caafimaadka aduunka ah (WHO) kuwaasoo u qaabilsanaa DDSI islamarkaana aad kala shaqeeyay Xafiiska Caafimaadka shaqooyinka la xidhiidha caafimaadka iyo cudur dilaacyada.

Xaflada casho sharafta ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay, masuuliyiinta ugu daraysa xafiiska caafimaadka oo uu ka mid yahay  ku-simaha wasiirka caafimaadka DDSI ahna wasiir ku xigeenka caafimaadka DDSI mudane cabdifataax siciid,

Masuuliyiin ka socoday hay’ada WHO,  hayadaha ay bahwadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI iyo waliba kooxaha fanka iyo suugaanta oo ay ka mid yihiin fanaanada Nimco Wadani (nimco dareen) iyo abwaanka fanaanka ahmed budul.

Waxaana, xafladaasi cashadii ka dib ka hadlay Ku-simaha wasiirka  xafiiska caafimaadka DDSI mudane cabdifataax siciid oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada loo soo agaasimay xafladan casho sharafta ah, taasi oo uu ku  sheegay in ay tahay mid lagu sabootinayo  qaarka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa laanta caafimaadka aduunka (WHO) ee dalkeena itoobiya oo ay ka mid tahay Dr Fiona barak oo mido badan ka shaqaysay dalkeena itoobiya gaar ahaana waaxda hooyada iyo dhalaanka ( MCH)

Ku simaha wasiirka ayaa si qoto dheer ugu mahad celiaya masuulkan la sabootinayo sidii ay ugala shaqaysay adeegyada caafimaadka, taasi oo uu sheegay in ay muujisay shaqo wanaag noqday gashi horumarineed, siwayna uga qayb qaatatay xakamaynta iyo ka hortaga cudurka polio,

Dr Fiona ayaa dhankeeda si balaadhan ugu mahad naqday masuuliyiinta xafiiska caafimaadka ee ku sabootiyay xafladan casho sharafta ah sidoo kale ugu mahad celisay abaalmarino qaaliya, waxayna sheegtay in ay mudadii  ay ka shaqaynaysay dalka gaar ahaan deegaankeena ay shaqo wanaag badan u muujiyeen masuuliyiinta xafiiska caafimaadka haatan ka taliya.

Xafladaa casho sharafta ah oo ayad mid fanaafiinta nimco dareen iyo ahmed budul ku soo bandhigayeen heeso iyo dhaantooyin kiciyay masuuliyiintii ka soo qaybgashay xafladaasi ayaa waxaa gabagabadii xaflada mudane cabdifataax  gudoonsiiyay abaalmarino iyo shahaadooyin sharaf   Dr Fiona barak , iyo sidoo kale fanaaniinta nimco dareen iyo ahmad budul taasi oo ay xafiisku ugu tala galay in ay fanaaniintani noqdaan  ambassador of heath