Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Maamulka Gobolka jarar oo Gudagalay tababarka Hogaaminta Qabaleeyada Degmooyinka Hoos Yimaada Gobolka.

Dh/buur(CN) Sabti August-15-2015. Waxaynu wada ogsoonahay in guud ahaan Dalka iyo deegaankuba in loo jihaystay hirgalinta wajiga labaad ee isbedelka kobaca dhaqaale GTP2 maadaama laga soo gudbiyay qorshayaashii shantii sano ee ku xusnaa GTP1.

Horaantii bishii hamle ayay ahayd markii fagaarayaal aan loo kala hadhin xukuumada dawlada Federalka iyo qaybaha bulshowaynta ddsi ay kaga wada doodeen hirgalinta qorshaha Gtp2 uu xambaarsan yahay shanta sano ee soo socota.

Hadaba dhamaanba heerarka qaabdhismeed yaa DDSI oo isku waafaqay in isbedelka kobaca dhaqaale wajigiisa 2aad ee gtp2 in loo dhaadhiciyo ilaa heer qabalee si qaybaha bulshada iyo Hogaaminta qabaleeyada looga sharaxo macluumaadka horumarineed iyo isbedel kobac dhaqaale ee uu xambaarsan yahay GTP2 islamarkaana looga qaybgaliyo loona tixgaliyo fokradaha bulshada.

 

Gudomiyaha Gobolka jarar Mudane Farxaan Cabdi Maajuun ayaa Tababar ku aadan hirgalinta qorshaha GTP2 u qabtay Hogaaminta dhexe ee Qabaleega Higlaley. Tababarkan iyo kuwo kale oo lagu qaban doono dhamaan senterada hoos yimaada maamulka Degmada dhagaxbuur ayaa qayb ka ah dardargalinta shaqo ee loogu diyaargaroobayo hirgalinta Qorshaha GTP2.