Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwaynaha DDSI Oo kormeer Indha-indhayn ah Kusoo maray Mashruuca Xanaanada Xoolaha Ee Qabalaha Harre.

Jigjiga(CN) Axad, 16ka August, Madaxweynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka kormeer gaaban oo indha-indhayn ah kusoo maray mashruuca wayn ee xanaanada xoolaha deegaanka ee kasocda qabalaha Harre.

Mashruucan oo ah mashruuc aad ubaaladhan oo ay fulinayso Wakaalada Dhismaha, Iibka iyo Adeegyada Gaarka ah Ee Booliska ayuu madaxwaynuhu bogaadiyey qaabka ay shaqada uwado. Isagoo ku booriyeyna inay sii laban-laabaan dadaalkooda oo looga baahan yahay wakaalada inay kusoo gabagabayso dhismayaasha mashruucan wakhti gaaban gudihii si bulshadu uga faaiidaysato.

Ugudanbayna, waxay hawl-wadeenada wakaalada oo uu horkacayo Maareeyaha Guud mudane Nasradiin Maxamed Muxumed ay dhankooda balanqaadeen inay kago'an tahay inay sii dar-dargaliyaan shaqooyinka ayna mudo gaaban kusoo af-meeri doonaan.