Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Waxaa Magaalada Jigjiga kaqabsoomay Tababar si Heersare ah uu usoo Agaasimeen Xafiiska Tababarada Xirfadaha iyo farsamada ee DDSI.

Jigjiga(CN) Axad August-16-2015. Tababarkan oo ay kasoo qaybgaleen agaasino kasocday dhamaan xafiisyada bahwadaagta la'ah xafiiska TVETka oo ay uguhoreeyaan xafiiska Horumarinta magaaloyinka dhismaha iyo warshadaha, xafiiska khayraadka biyaha,xafiiska caafimadka,xafiiska beeraha,xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka ,xafiiska xidhiidhka arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska iyo sidookale wakaalada shirkadaha yaryar iyo xarunta xaqiijinta xirfadaha ee (CoC) iyo dhamaan kuliyadaha degaanka.

Gabagabadii tababarka ayaa waxaa warbixin nagasiiyay wasiir kuxigeenka xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI Mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi wuxuuna hadalka udhigay masuulku sidan.

Masuulka ayaa yidhi si'aynu oogamidho dhalino qorshayasha isbedelka Kobaca- dhaqaale ee aynu kuhigsanayno inwadadankeenu kagamid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhaxdhaxaadka yahay sida qorshaha GTP2 si aanu u hirgalino qaybta nagaga aadan hirgalinta Xafiis ahaan ayaa waxaan tababarkan udiyaarinay in xafiiska iyo xafiisyada ay bahwadaagta yihiin ay fahan midaysan Kaqaatan siyaasada ku wajahan horumarinta TVETka iyo sidookale sidii bulshada degaanka loogaga faa'iidayn lahaa in kabadan 632 xirfadood oo dalkeenu udajiyay inlagubixiyo waxbarashada heerka TVET systemka.

Ku-xigeenka Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi waxaa tababarka bixinayay khabiiro kasocday wakaalada TVETka Federalka iyadoo mudadii uusocday shirkani layskula lafaguray xirfadahaasi 632 ah iyo kuwa degaankena kuhaboon sidiil ooga dhaqan galinlahaa.

Dhanka kale waxay xubnaha kasocday xafiisyada bahwadaagtu soobandhigayeen su'aallo iyo talooyin laxidhiidha xirfadaha aadka loogubahanyahay iyagoo kaduulaya baahida suuqa iyo bulshada maadama ay xafiisyadani yihiin xafiisyada ku hawlan adeega bulshada si loogu saleeyo Fursadaha shaqo abuurka iyo helida aqoon la xidhiidha dhanka xirfadaha.

 

Mudane Saxane ayaa wuxuu carabka kudhuftay in Xafiiska TVET ay xukuumadu siisay ahmiyad aad uwayn islamarkaasna loo aqoonsaday Dhiig-joojinta saboolnimada islamarkaasna uu xafiisku dadaal oogujiro sidii uu oogasoo bixilahaa kaalinta ay shacabka iyo xukuumaduba kasugayaan iyadoona gababagabadii tabarkan lagu kala qaatay memorandum of understanding si looga midho dhaliyo Qorshaha GTP2.