Shir Lagu Dardargalinayay Sii Xoojinta Tayada Adeeg Bixinta Caafimaad ee Isbitaalka Magaalada Fiiq oo Ka Dhacay Fiq.

Fiiq(CN) ISNIIN August-17-2015. kulankaasi oo ahaa mid lagu sii xoojinayo tayada adeeg-bixinta caafimaad ee uu bixiyo cisbitaalka fiiq, ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta gobolka oo uu ka mid yahay,gudoomiyaha gobolka gobob mudane Cabdi Cali Mataan, masuuliyiinta degmada fiiq maamulka cisbitaalka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaasoo aad uga munaaqashooday sidii loo dardargalin lahaa adeegbixinta tayada caafimaad ee uu bixiyo isbitaalku loona daryeeli lahaa hooyada iyo dhalaanka.

waxaana ugu horayntii ka hadlay kulankaasi wadatashiga iyo dardargalinta shaqo ah  gudoomiyaha gobolka nogob mudane cabdi cali mataan oo sheegay in si xawliya kor loogu qaado adeeg bixinta cisbitaalka iyo guud ahaanba adeega caafimaad ee gobolka, si ay bulshadu u helaan adeeg caafimaad oo hufan deg deg ah.

Maareeyahay cisbitaalka fiiq Dr maxamed ahmed maxamed oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in kulankani yahay fulinta qorshayaal lagu dar dargalinayo tayada adeeg bixinta cisbitaalku uu siiyo bulshada ku dhaqan gobolka nogob

Qaarka mid ah qaybaha kala duwan ee ka soo qaybgalay kulankaasi ayaa soo dhaweeyay hanaanka adeeg bixinta cisbitaalka 

kulanaas ayaa waxaa gabagabadii laysla qaatay in si wada jir ah loo sii xoojiyo tayada adeega caafimaad ee uu bixiyo cisbitaalku