Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Munaasabada Xuska Maalinta Dhalinyarada Aduunka Oo Si Balaadhan Looga Xusay Caasimada DDSI Ee Jigjiga.

Jigjiga(CN) Talaado, 12ka Nehase, Waxaa guud ahaanba dalkeena Itoobiya markii 8,aad looga dabaaldagay munaasabada xuska maalinta dhalinyarada aduunka oo markii 15,aad laga xusay aduunka.

Munaasabadan balaadhan ee loogu dabaaldagay xuska maalinta dhalinyarada aduunka ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee Xafiiska Arimaha Haweenka Caruurta iyo Dhalinyarada.

Xuska maalintan gaarka u ah dhalinyarada ayaa waxaa kasoo qaybgalay qaar kamid ah masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo ay kamid yihiin Madaxwayne Ku-xigeenka ahna Wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan, Wasiirka Arimaha Haweenka, Dhalinyarada iyo Caruurta marwo Raxma Suldaan Maxamuud haybe, Wasiirka Cadaalada Guud iyo Xeer ilaalinta mudane Cabdijamaal Axmed Qaloonbi, wasiirka Arimaha Bulshada mudane Axmed Maxamed Koore, ururada dhaliyarada, qaarka mid ah saraakiisha amniga, ardayda wax kabarata dugsiyada kala duwan ee maamulka magaalada jijiga, ururada dhalinyarada qurba joogta, kooxaha fanka iyo suugaanta iyo marti sharaf kale oo farabadan.

 

 

 

 

 

 

 

Munaasabadan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay Madaxwayne Ku-xigeenka ahna Wasiirka Waxbarashada mudane Mawliid Haayir oo si balaadhan uga warbixiyay ahmiyada ay leedahay maalintani iyo sooyaalka taarkhiideed ee xuskani soo maray.Wuxuuna sheegay inay dhalinyaradu tahay lafdhabarta hirgalisa hawlaha horumarka, nabadgalayd iyo waliba inay yihiin cududa kali ah ee fulisa waxqabadkan aan maanta ku faanayno loogana baahan yahay dhalinyarada inay sii xoojiyaan dadaalkooda horumarineed ee kaga aadan hirgalinta wajiga 2,aad ee qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaalaha.

Dhanka kale, waxaa iyana kahadashay munaasabadan Wasiirka Arimaha Haweenka Dhalinyarada iyo Caruurta marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe oo warbixin kooban ku soo bandhigtay. Warbixintan oo ku qotontay waxqabadka iyo xidhmooyinka horumarka dhalinyarada DDSI. Waxayna sharax dheer ka bixisay dadaalada ay xukuumada iyo xafiiskuba ugu jiraan abuuritaanka ilaha shaqada ee dhalinyarada iyo in sanadkan laxoojinayo xidhmooyinka horumarinta dhalinyarada deegaanka.

Ugu danbayntiina, iyadoo kooxaha deegaanku ay halkaa madadaalo wacdaro leh ka muujiyeen ayuu xafiisku gudoonsiiyay abaalmarino qaarka mid ah masuuliyiinta ka socotay xafiisyada ay bahwadaagta yihiin, hormuudka dhalinyarad, saraakiisha ciidamada qaranka kuwa ciidamada booliska gaar ka ah, iyo ururada dhalinyarada qurba joogta ahba.