Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwayne CMC Oo Kahadlay Dagaalada Kasocda Hiiraan, Baay iyo Bakool

Maqale(CN) Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kahadlay dagaalada kasocda Hiiraan, Baay iyo Bakool ayaa sheegay in ciidanka qaranka iyo ciidanka xooga gaarka ah ee deegaanku ay guulo laxaad leh kasoo hoyiyeen dagaaladii ay ku ugaadhsanayeen firxadka tirada yar ee kahadhay Al-qushaash.

Wuxuuna madaxwaynuhu xiligii uu arintan kahadlayay dib umilicsaday ururkii UBBO falalkii waxshinimada lahaa ee aan marnaba la iloobi karin xasuuqyadii iyo gumaadyadii ba'naa ee murugada lahaa tiro ahaana aan lasoo koobi karin ee uu ururka nabad iyo nolol diidka Ubbo ugaystay shacabka deegaanka kunool sanadihii 1997TI, 1998 ilaa 1999TI.

Xasuuqyadaas oo isugu jiray dil, dhac, boob iyo kufsi intaba ayaa ahaa kuwo aan loo meel dayin oo loo samaynayay si kutalagal ah oo aan inaba xishood, diin, naxariis, diir iyo damqashaba lahayn.Waxaana kamid ahaa xasuuqii ay kafuliyeen qabalaha Cobole 1999TI oo degmada Dh/buur katirsanaa oo inta ay habeen badh galeen shacabkii guryaha jiifay qori lahor istaagay si aynan cidina uga bixina kugubay in kabadan boqol qof, boqolaal kalana ay kudhaawacantay. Qabalaha Ceel-xaar ee Degmada Q/dahar oo ay habeen gudihii kudileen 39 ruux oo aan waxba galabsanin 43na ay kudhaawaceen. Samadoonadii ay kulaayeen qabalaha Dhuure ee isla D/Q/dahar wiilashii ardayda ahaa ee ay dhagaha midida kaga gureen iyagoo nool degmada Shaygoosh, shacabkii amin galab ah iyagoon waxba ogayn oo BBC dhagaysanaya ay baaska kufureen Degmada Shilaabo. Dhacdadii dilka iyo dhaca xoolaha shacabka ee ay kagaysteen qabalaha Caleen ee Shilaabo.Qixii ay ugaysteen Degmada Awaare oo in kabadan 1,000 qoys inta ay u adkaysan waayeen dilka foosha xun ee habeen walba ah iyo waliba kufsiga gabdhahooda laguhayay uga qaxay deegaanka dhanka dalalka aan dariska nahay. waxaa kale oo ay isla xiliyadaas bilawgii 1998TI gumaad ba'an kasameeyeen Degmada Dhoobawayn ee gobolka Qorraxay oo salaad subax intay kuwaabariisteen 380 ruux oo makas isugu jirta hooyooyin da' ah iyo maati kudileen. Dadkii iyagoo nool inta ay isku xidheen ay kugubeen degmada Q/dahar iyo Wardheer. Gabdhihii xaabada doontay ee ay kugawraceen D/Daratole iyo Danood. Xasuuqii 20kii Ginbood ee 1999TI kadhacay Garoonka kubadda cagta ee xarunta DDSI oo hadhkoo cad ay bambo gacmeedyo dhawr ah labeegsadeen kumanaan daawadayaal, ciyaartooy, rag iyo dumar intaba isugu jiray ayna kudhinteen ugu yaraan 490 qof ilaa 331 kalana ay kudhaawacmeen. Qaraxyadii habeen iyo maalinba ay labeegsanayeen magaalooyinka waawayn sida Jigjiga, Dhagaxbuur, Q/dahar, Wardheer, Fiiq iyo Goday. Weerarkii duhurkii ay kuqaadeen D/Marsin. Weerarkii guracnaa ee ay ku baabi'iyeen shacabkii Gojano. Hoogii iyo halaagii ay ugaysteen dadka dagan qabalaha Gurdumi, Farmadaw, bulaale, Gudhis, daldalkii shacabkii Dh/madaw. 47 qof oo ay kudileen qabalaha Buuladari ee degmada Q/bayax hal maalin ah. Gobolka Nogobna iskadaa wax kaloo waa tii kamaaransiin wayday Shariifkii 100ka sano jiray ee kaadida laga qaadi jiray ee degmada Xamaro ay ku gawraceen. dilalkii iyo gumaadyadii ugu xumaa ee kadhacay Garbo,Sagag, Fiiq, Qubbi, Dhuxun, lagahida, Salaxaad iyo Mayu 1997TI.

Waxaan iyana lama ilaawaan ah in nidaamka dawladnimo ee xiligaa jiray uu ahaa mid iyaga(Ubboda) taageersanaa oo ay hogaamin adag kulahaayeen dawlada. Sidaa daraadeed, wuxuu shacabka deegaanku noqday mid kusifoobay maah-maahdii ahayd Cidina uma maqna Ceelna uma qodna marka laga reebo dawlada dhexe iyo ciidamada qaranka oo iyagu mar walba lagarab taagnaa taageero hiil iyo hooba leh ahna kuwa sababay in ay halkan maanta kusoo simaan shacabwaynaha deegaanka la'aantoodna maanta shacabka deegaanku halkan uusan soo gaadheen. Dhiigoodii, naftoodii iyo maalkoodiiba way uhureen. Kumanaan ciidanka qaranka ah oo difaacaya shacabka deegaankuna naftoodii bay kuwaayeen.

Hadaba, sida uu dhigayo Dastuurka dalku marka deegaan galo khal-khal noocan oo kale ah waxay dawlada federalku awood buuxda uleedadahay inay soo faragaliso oo lawareegi karto xukunka deegaankaas. wuxuuna deegaanku qarka usaarnaa in lala wareego oo munaasab ku ahayd maadaaama oo dadkii deegaanka udhashay damiirkoodu noqday mid ay Ubbo dilootay. si kastaba ha ahaatee, shacabka deegaanka oo udulqaadan waayay aadna uga cadhooday hooyada uurka leh ee ay Ubbo dooxayso, aabaha dhaanka wada ee ay uus-duugeen, ilmaha xoolaha lajooga ee ay gawraceen iyo gabdhaha ay kufsadeen ayaa hal mar cirka gacanta utaagay oo ilaahayaw UBBO naga soo gaadh yidhi.'' Ilaahayna waa ka aqbalay baryadoodii iyo ilmadii tin iyo cidhibba qoysay. Wuxuuna siiyay nasri deg-deg ah-Dawlad dhalinyaro ah, geesinimo, go'aan iyo karti adag oo waxbaratay oo kadhiidhiday xumaanta cadawga UBBO uu kuhayo shacabkooda. kuna midoobay siday shacabkooda dhibaatooyinka ubbo kuhayso uga saari lahaayeen.

Waxayna shaqadii ugu horaysay kabilaabeen inay systemka dawladnimo sifeeyaan iyagoo sifaynta kabilaabay Xisbiga kadibna hay'adaha-sharci dajinta, fulinta iyo Garsoorka. iyadoo ay waliba aad u adkayd xiligaas fulinta arintani. Caqabado adagna ay kala kulmeen. Nasiib wanaagse way kuguulaysteen inay systemka kasaaraan UBBO iyo dadkka fikirada cidhiidhiga ah aaminsan. kadibna iyagoo lakaashanaya dawlada dhexe ayaa markii ugu horaysay la abuuray ciidan deegaan oo soomaali ah looguna magacdaray Liyuu Boolis(Xooga gaarka ah ee booliska) oo si toos ah uladagaalama kuwa hubka sida ee duurka kudhuumaalaysanaya dhimasho iyo dhaawacbana ay meel walba kaga dabagalaan. Duurkiina waa loodacareeyay. Kadibna waxaa laga xidhay ilahii dhaqaaluhu uga imanayay dal iyo dibadba.  

Qorshahan ayaana ahaa qorshe uu si cilmiyaysan udiyaariyay mudane Meles Raisal Wasaarihii Hore ee dalka oo isagu ahaa mid ay kago'an tahay in deegaanku lamid noqdo deegaanada kale ee dalka dhan walba helana xuquuqaha dastuuriga ah.

Kadib markii XDSHSI, Shacabka deegaanka iyo ciidanka xooga gaarka ahi nabadgalyadii deegaanka meel saareen horumarkuna si xawli ah ubilawday. oo 100% deegaanku gaadhay nabadgalyo iyo horumar. Horumaradaas oo ay kamid ahaayeen Dib u curashadii lagu sameeyay hogaaminta kor ilaa hoos. Dib udajintii boqolaal  kun oo shacab ah ladajiyay meelaha wabiyada leh oo dhul-beereed iyo matooradii waraabkaba lasiiyay ayna kataajireen, nidaamkii xoolo dhaqatada oo loo badalay xoolo-dhaqato beeralay, Socdaaladii gudaha deegaanka ee lagu darsayay xaalada dhabta ah ee nolosha bulshada deegaanka iyo socdaaladii dhaadheeraa ee wadanka dibadiisa ahaa ee qurba-joogta lagu soo jeedinayay inay deegaankooda maalgashadaan fikiradii xumaana lagaga saarayay kadib ayaa waxaa yimid cadaw kale oo qori sita oo maalin cad qabalaha Aato ee gobolka Af-dheer soo weeraray cadawgaas oo ahaa Al-shabab deegaankase looga yaqaano Al-qushaash. Ciidanka xooga gaarka ah ayaana yidhi, '' UBBO ayaan meel saaraye ma Al-qushaash baanu udaahi'' oo dharbaaxo cad uga jawaabay weerarkaa xaqdarada ah oo iskadaa Aato'e inta gudaha ugalay 7 sal-dhig oo waawayn oo ay kamid ahayd Lamagalay deegankuse ubixiyay Lagalay qabtay oo kadajiyay calankii Alqushaash iyagoo laabta kusita calanka Jamhuuriyada Dimoqraadiga Federalka Itoobiyana saaray kii Dawlada soomaaliya kadibna ugu yeedhay xubno katirsan dawlada Soomaaliya oo kuwareejiyay. Waana arinta caalamka kayaabisay qabashada goobahan, kadajinta calanka Alqushash iyo kuwareejinta dawlada soomaaliya intuba. khasaare naf iyo maalba lehna loo gaystay.

Al-qushaash oo kacadhaysnayd guushaas oo mudo abaabul xoogan kujirtay ayaana ugu danbayn tabarteedii dad shacab ah ugu xoog sheegatay qabale katirsan degmada Shilaabo ee Gobolka Qorraxay-lababaar oo intay soo weerartay 4 xubnood oo aan waxba galabsan kudishay. Gardaradii labaadse Maxaa karaacay?

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kahadlay dagaaladan kasocda gobolada Hiiraan, Baay iyo Bakool ayaa sheegay in dagaaladani yihiin kuwo lagu beegsanayo firdhadka tirada yar ee Al-qushaash kadib markay Ciidamada Liyuu booliska oo kaashanaya Amisom-Ethiopia oo gudaha soomaaliya kala dagaalamaysa hadhaaga Al-qushaash ay kasoo nadiifiyeen Al-qushaash gobolka baay iyo bakool, Murgaabay, Kulan-jeeraar, Labaatan jirow, Danan, Madda, Dalandoole, Waajid, Xudur, Balimareer, Ceeldheere,Ceelboon,Buqcaqable, Orgaadsan iyo Samatar. Goboladan oo runtii hada kahor ahaa kuwo aan Alqushaash lala wadaagin oo shacabka kunoola ay waxay doonaan oo dil, kufsi, dhac iyo jidh-dilba kusamayn jireen. Balse manta nabadgalyo taam ah loogu soo celiyay. Shacabkuna kalgacal aad ubalaadhan iyo abaal aan inaba la iloobi Karin ayay kusoo dhaweeyeen ciidanka qaranka iyo kadeegaanka labadaba.

Waxaa kale oo madaxwaynuhu intaa raaciyay in deegaanadan sare ku xusan dhamaantood ay maanta nabad yihiin oo ciidanka qaranka iyo kadeegaanka soomaalida itoobiyaba ay had iyo jeer garabtaagan yihiin dawlada soomaaliya, naftoodana uhureen sidii soomaaliya nabad uga dhalan lahayd. walina ay lagarabtaagan yihiin.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu madaxwaynuhu sheegay in Al-qushaash ay cadaw ku tahay nabada iyo nolosha umada geeska oo idil ee aysan kali ah soomaaliya caqabad ku ahayn iyo inay waajib tahay talaabada laga qaaday oo ay tahay mid kuhaboon. Diinta ay gabaadka kadhiganayaan ay ka been abuuranayaan.

Ugudanbayntiina, wuxuu madaxwaynuhu salaan kal iyo laab ah udiray ciidanka qaranka oo uu weheliyo ciidanka xooga gaarka ah ee deegaanku waxyeeladii Alqushaash kuhaysay shacabwaynaha soomaaliya ee  ay inta kadhiidhiyeen xoog uga qabteen isagoo kubooriyayna inay sii wadaan dagaalada ay kula jiraan Alqushaash. Taageero buuxdana siiyaan shacabka Alqushaash dhibaataysay iyo dawlada soomaaliyaba. isagoo madaxwaynuhu bogaadiyay sida wayn ee ay shacabka soomaaliya ugu soo dhaweeyeen uguna farxeen waxqabadkii ciidamada dalka itoobiya guud ahaan iyo ka deegaanka gaarahaanba iyo abaalka wayn ee ay uhayaan dawlada itoobiya.