Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska xidhiidhka Arimaha dawlada,dhaqanka iyo dalxiiska DDSI iyo wasaarada Dhaqanka iyo dalxiiska DFI oo maanta Booqday Beeraha Liinta iyo Qasriga Biyaha Kulul ee Erer

ERER(CN) Khamiis-August-27-2015.Wafti ka kooban xafiiska xidhiidhka Arimaha dawlada,dhaqanka iyo dalxiiska DDSI iyo wasaarada Dhaqanka iyo dalxiiska DFI ayaa maalmahan kormeer hawleed oo la xidhiidha Dalxiiska ku soo maray goobaha dalxiiska ku haboon ee ka jira Gobolada Faafan iyo Sitti kuwaasoo qayb ka ah goobaha loo xushay in ay booqasho ku soo maraan Ergooyinka,Wufuuda iyo madaxda ka soo qaybgali doonta xuska todobaadka Dalxiiska Aduunka oo markii 28aad lagu qaban doono DDSI inta u dhaxaysa 16-26da bisha maskaram.

Waftiga ayaa maalmihii la soo dhaafay booqday masaajidka qadiimiga ah ee Tuulada Derbiga oo hoostagta maamulka Degmada Tulli-guuleed ee Gobolka Faafan sidoo kalana Goobta biyaha kulul ee dabiiciga ah ee Tuulada Araabi ee Degmada Danbal iyo duurjoogta teedsan kaymaha iyo wadooyinka ku ekoon duleedka Tuulada Dhuure ee Degmada Ayshaca.

Saaka aroortii ayaa ay masuuliyiinta labada xafiis iyo khabiiradala socday ay u ambabaxeen Degmada Erer oo ka mida safka hore ee Goobaha Dalxiiska uu leeyahay Deegaanku kuna yaalaan Bustaanada ugu badan ee waxsoosaarka dhinaha Liinta(Orange) iyo qasrigii xaylesalaase oo leh biyo kulul iyo dhanaan biyo dabiici ah loogana faaiidaysto dhinaca caafimaadka oo ka kooban dhawr nooc sida Godad Biyo kulul iyo uumibax siyaabo kala duwan loo isticmaalo,kuwo lugaha lala galo,kuwo madaxa lala galo iyo qaybo maydhasho caafimaad ah.

Waftiga ayaa ugu horayn kulan kula qaatay xafiiskiisa Gudoomiyaha Degmada Erer mudane Maxamed Maxamuud Cismaan una soo bandhigay ujeedada socdaalkooda eek u wajahan Qasriga xayleselaase iyo Beeraha waxsoosaarka Liinta ay caanka ku tahay degmada Erer si loogu sii diyaargaroobo xuska todobaadka dalxiiska iyo martigalinta wufuuda soo booqan doonta Erer.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale warbixin waftiga ka siiyay sida maamulkiisu uu uga hawlgalo Qasriga biyaha kulul ee xayleselaase mudadii uu joogay isagoona balanqaaday in gacan wayn uu ka gaysan doono soo dhawaynta ergooyinka todobaadka dalxiiska korna u sii qadi doono bilicda iyo nadaafada Qasriga.

Beeraha Liinta ayaa iyagu ah khayraad uu deegaanku leeyahay islamarkaana soo jiidan karta dalxiisayaasha halka laga dhaliyo dakhli badan oo kaalin muuqata kaga jirta kobaca dhaqaalaha Dalka iyadoona ay waftigu aad ugu riyaaqeen kaalinta waxsoosaarka bulshada ku dhaqan Degmada erer oo iyagu ah kuwo muruqooda wax kula soo baxa islamarkaana adeegsada habab dad same ah oo ka kharash yar kuwa casriga ah kana faaiido badan sida kanaalada waraabka beeraha oo ay bulshadu ka soo leexisteen Biyaha Buuraha iyo Togaga kuwaasoo qulqulaya labada liil ee wadada dhexmarta degmada si dhibyar oo loogu talogalayna loogu leexiyo hadba beerta waraabka u baahan iyo isticmaalkaba.

Qasriga xaylesalaase oo loo aqoonsan yahay goobaha Dalxiiska deegaanka ayaa waxaa ka soo xarooda dakhli badan oo qayb ka ah kobaca dhaqaale ee Deegaanka islamarkaana uu xafiiska Xidhiidhka Arimaha dawlada,Dhaqanka iyo dalxiiska DDSI ay sanadkan u qabatay miisaaniyad lagu dayactiro si kor loogu soo qaado bilicda iyo ka faaiidaysiga Biyaha kulul ee Qasrigii xayle selase.

 

Isku soo wada xooriyoo Waftiga ayaa sii ambaqaadi doona kormeerkooda ku aadan goobaha dalxiiska DDSI ee loo xushay Todobaadka dalxiiska in la booqdo islamarkaana booqan doona Xabaasha Hasha Garawo,Dugsiga Quraanka Qulun-quul ee Gobolka Jarar iyo sidoo kale Dhismaha taliskii daraawiishata Qoraxay ee Darbi-balaayo iyo Goobta caanka ah ee Kalli eek u taala Degmada Dhanaan ee Gobolka Shabeele.