Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Galabta oo Ay Waftiga Kormeerka Goobaha Loo Xushay Booqashada Xuska 7aadka dalxiiska Booqdeen Xabaasha Taariikhda Gashay ee Hashii Garawo.

GARAWO(CN) Jimce-August-29-2015. Sidaynu hore ula soconayba waxaa todobaadkan kormeer hawleed ku soo kala bixinayay qaar ka mida Gobolada laga xushay goobaha dalxiiska ee ay booqan doonaan wufuuda iyo madaxda sare ee dalka iyo deegaanada ka soo qaybgali doona xuska todobaadka dalxiiska Aduunka ee markii 28aad lagu qabanayo bisha maskaram ee fooda inagu soo haysa Xarunta Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Kormeerkan iyo indha indhaynta goobaha dalxiiska Deegaanka ayaa ay wadajir uga shaqaynayaan masuuliyiinta iyo Khabiirada xafiiska  xidhiidhka arimaha dawl,Dhaq iyo dalxiiska DDSI iyo Masuuliyiin ka socda Wasaarada Dhaqanka iyo dalxiiska DFI kuwaasoo u sii gogolxaadhaya Goobaha Dalxiiska ku haboon iyo Astaamaha taariikheed ee ka jira Qaar ka mida Gobolada Faafan,Sitti,Jarar iyo Qoraxeey.

Waftiga oo saaka barqinkii ka soo kicitimay magaalada Diredawa ayaa galabta booqday Xabaasha taariikhiga ah ee Garawo oo ka mida maamulka Degmada Dh/buur halkaasoo laga akhriyay Taariikhda iyo sababihii ku kalifay ninkii hashan aaskeedii ka soo wareegay mudo Qarni ku dhaw.

Sida la yeeshay hasha garawo ayaa ahayd mid aad u caana badnayd oo marka weel qaada la waayo godad lagu shubi jiray,sidoo kale hasha ayaa aad uga lafwaynayd geela kale iyadoona mataano dhali jirtay waxaa intaa u sii dheeraa sida dhabta ah ee ninku hasha u jeclaa in uusan marna fool celin jirin iyadoona laga yaabo in ay mararka qaar masaafo aad uga fog xeredeedii ku dhasho mararka qaarna afka saari jirtay Xuduuda.

 

Hasha Garawo ayaa la kanfay sidii dadka loo aasay la kanfay oo waliba la anxay oo neef geela lagu dul gawracay xabaashii hasha, waxaa kaloo la sheegay in kanfankii hasha in markii uu la'ekaan waayay Hashii Garawo oo qoorta gaadhi waayay dib looga doonay xiligaa magaaladii.

isku soo wada duuboo goobahan la booqday iyo kuwo kale oo ka mida khayraadka deegaankeena ku yaala ama laga helo ayaa qayb ka mid ah Qorshayaasha isbedelka kobaca dhaqaale wajiga 2aad ee GTP2.