Waftiga Bahwadaagta u Gogol-xaadhaysa Xuska Todobaadka dalxiiska Aduunka oo Booqday Xarun-Diimeedka Qulun-quul iyo Ataarta Magaalada Qabridahar.

Qulunquul-Q/dahar(CN) Axad-August-30-2015. Waftiga u gogol-xaadhaya munaasabada xuska todobaadka dalxiiska Aduunka oo markii 28aad ee dalka laga xusayo lagu qaban doono DDSI looguna jiro diyaargaraw balaadhan,lagana sii xulay qaar ka mida Gobolada DDSI goobaha dalxiiska iyo ataaraha taariikheed.

Hadaba waftiga ayaa booqday xarun-diimeedka Qulunquul oo ilaa laba qarni(200 sano) ahayd xarun-diimeedkii inta badan culumada caanka ka ah DDSI iyo dalkaba ka soo aflaxeen Sheekh Cabduraxmaan Saylici Alle naxariistii jano ha ka waraabiyee kana mid ahaayeen Sheekh Cabdisalaam,Sheekh Cabdulaahi Qudubi,Sheekh Abaadir oo harar ahaa iyo culumo kale.

Qulun-quul ayaa waxaa ka dhisan masaajid ilaa 200 sano uu ka dhisay sheikh cabdiraxmaan Seylici halkaasoo sheekha,sawjadiisii iyo xertiisiiba ku aasan yihiin iyadoona xabaalaha Xertii seylici calaamado mucjisa ah qabriyadoodu kaga duwan yihiin culumada kale maadaama Xertii sheikh C/raxmaan Saylici Qabrigooda laga soo saaray dhagax isku calaamad ah oo leh Sawir u eg Cagta libaaxa oo wakhtigan dul saran qabriyadoodii.

Sidoo kale sawjadii sheikh saylici oo ku dardaarantay in qabrigeeda la duldhigo wayso ay gacanteeda ku samaysay oo geed ahayd isu bedeshay dhagax ilaa iyo maantana ninkii casarkii ku soo maray Qabriga oo ay dulsaarnayd waysada oo geed ah arkayna markii danbe inay dhagax isubedeshay uu joogo.waxaa kaloo Xarun-diimeedkan waftigu ku soo arkay,Seeftii,Ushii, Khamiiskii iyo Cigaalkii uu xidhan jiray eebe naxariistii jano ha siiyee Sheekh Cabdulaahi Qudubi aadna looga yaabay malqacadii uu sheekhu wax ku cuni jiray oo aad uga yar nooca aad qiyaas ahaan u taqaano wakhtigan cabirka malqadaha.

Qulunquul ayaa waxyaabaha mucjisada ah ee yaala uu ka midyahay Kildhi loo yaqaan DUCEEYE oo 38sano jira hadba qofkii muraad lehna uu shaadali ku kariyo sida sheikh Cabdiraxmaan u sheegay waftiga.

Isku soo wada duuboo xarun-diimeedka qulunquul ayaa mucjisooyin badan uu waftigu ku soo arkay iyadoona muriidka Culumada ku sugan xarunta uu codsaday in barkad ay gacantooda ku qoteen laga caawiyo Sibidhka ay qaadan karto si ay uga faaiidaystaan islamarkaana ay xertu gacantooda ku samaysatay wado fiican oo isku xidha sasabane iyo Qulunquul.

 

Dhanka kale Waftiga ayaa intaa ka dib uga sii gudbay magaalada Qabridahar halkaasoo ay booqdeen ataarta magaalada dhexdeeda laga helo oo ay ka mid ahaayeen masaajid iyo kaniisad caano geela uu isku meel isu dhaw uu ingiriiskii kaga dhisay.sidoo kale qabridahar ayaa ay ku yalaan qasrigii xaylesalaase.

Sidoo kale waftiga ayaa intii ay joogeen magaalada qabridahar booqday Taaladii Geesiyiinta itoobiya oo ay ka mid ahaayeen Dhejenmaaj Afework iyo Soomaali kuwaasoo qoraalada muujinaya geesinimadii ay naftooda ugu hureen lagu qoray taalada. waxyaabaha kale ee noqday kuwo taariikhda galay ee qabridahar ayaa waxaa ka mid ah labada geed ee loogu kala magacdaray Cilmi iyo Magan oo ku yaala duleedka magaalada.