Ururka Horumarinta Soomalida Itoobiya Iyo Casho Sharaftii Qurba Joogta Ee Nogob Huteel

Jigjiga(CN) Sabti 5tii September 2015, Ururka horumarinta soomalida itoobiya ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabtay qurba joogta u dhalatay deegaanka ee ka kala timid qaaradaha aduunka.

Xafladan casho sharafta ah oo ka dhacday Nogob huteel jigjiga ayaa waxaa ka soo qayb galay Maareeye ku-xigeenka ururka ahna kusimaha maareeyaha UHSI mudane Cabdikhadar ilyaas Gaaruf, agaasinada iyo shaqaalaha xafiiska, qurba joogtii loo sameeyay casho sharaftan iyo waliba marti sharaf kale.

Maareeye kuxigeenka, ahna kusimaha maareeyaha ururka mudane mudane C/khadar Ilyaas Gaaruf ayaa qurba joogtan fahan durugsan ka siiyay qorshayaasha iyo ujeedooyinka loo aas aasay ururka horumarinta soomalida itoobiya iyo waliba qorshayaasha kaga aadan qurba joogta u dhalatay deegaanka. wuxuuna ka waramay in ay dawladu dadaal dheeriya ugu jirto kor u qaadida nolosha iyo dhaqaalaha shacabka si taasi loo buuxiyo ayaa waxaa la aas aasay ururka horumarinta somalida itoobiya oo loogu talagalay in uu buuxiyo meelaha ay gol-dalooladu ka jirto dhinaca horumarka.

Isaga oo ku simaha maareeyuhu sii wada hadalkiisa ayuu si qoto dheer uga warbixiyay waxqabadka balaadhan ee tan iyo intii la aas aasay ururku soo hooyay gaar ahaan waxka qabadka dhinacyada adeegyada aas aasiga ah ee horumarka sida biyaha, caafimaadka iyo waliba waxbarashada wuxuuna ku booriyay in ay qurba joogtu ka qaataan kaalintooda siina xoojiyaan kamid noqoshada ururka. isagoo cadeeyayna inay kaalin laxaadleh kaqaateen sanadihii lasoo dhaafay.

Qaarka mid ah qurb joogtan lagu maamuusay xafladan casho sharafta ah ayaa u mahad celiyay masuuliyiinta ururka horumarinta soomalida itoobiya Waxayna si qoto dheer uga warameen dadaalada dheer ee ay xukuumadu ugu jirto sidii shacabka deegaanka loo gaadhsiin lahaa horumar waara ee aan soo noqodka lahayn iyaga oo sheegay in ay talaabooyin horumarineed tahay aas aaskii ururka horumarinta soomalida itoobiya oo durba la helay midhihiisii horumarineed. Waxayna balan qaadeen in ay si wayn u garabtaagan yihiin ururkan xubno fir fircoona ka yihiin ururkani horumarinta soomalida itoobiya.