Kulan Laga Hadlayay Hirgalinta BPR ka Ee Maamulada Magaalooyinka DDSI

Jigjiga(CN) Talaado 8dii September 2015, Kulan laga hadlayay hirgalinta barnaamijka dib u habaynta BPR ka ee maamulada magaalooyinka DDSI ayaa ka dhacay Xafiiska Adeega Shacabka iyo Kobcinta Maamulka DDSI.

Kulankan oo uu soo diyaariyay Xafiiska Adeega Shacabka Ee DDSI ayaa waxaa loo qabtay 4ta maamul magaalo ee deegaanka.Waxaana hogaaminayay Wasiirka Adeega Shacabka iyo Kobcinta Maamulka DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud. Iyadoo Maayirada 4ta maamul magaalana ay halkaa goob joog ku ahaayeen.

Ujeedadada kulankan ayaana ahayd sidii loo xoojin lahaa hirgalinta barnaamijka BPR ka ee maamulada magaalooyinka. Waxaana ugu horayn ka hadashay wasiirka adeega shacabka oo si qoto dheer uga warbixisay ahmiyada uu leeyahay hirgalinta barnaamijkani. Iyadoo wasiiradu sheegtay in uu si wayn uga qayb qaadan doono fulinta habraacyada qorshaha GTP2ga .

Wasiirada oo hadalkeeda sii wadata ayaana tidhi" sidaan wada ogsoonahay xukuumada DDSI waxay 5tii sano ee ugu danbeysay ay dadaalo xoogan galisay sidii looga dhaqan galin lahaa barnaamijka dib u hayanta, xidhmooyinka maamulka suuban dhamaan hay’adaha dawliga ah ee heer deegaan, gobol iyo degmo iyadoo hay'adahani ay wadeen adkaynta iyo hirgalinta barnaamijkan sanadihii lasoo dhaafay guulo lataaban karana runtii kasoo dheelmay.Waxaanse hadda aan xooga saaraynaa sidii looga hirgalin lahaa barnaamijkan maamulada magaalooyinka waxaanan ku boorinayaa hogaaminta maamulada magaalooyinka in ay cusalyska saaraan meelmarinta fulinta barnaamijkan.

Waxaana qaabka loo fulinayo barnaamijkan casharo faah-faahsan iyo fahan dheeri ahba kasoo jeediyay khabiiro kasocda xafiiska.