Tababar Laxidhiidha Isugudbinta Waxbarashada Caruurta Oo Lasoo Gunaanaday

Jigjiga(CN)Xafiiska waxbarashada DDSI oo tababar laxidhiidha nidaamka isugudbinta baris-barasho ee caruurta oo uu uqabtay 50 xubnood oo laga soo kala xulay 10 degmo oo kamid ah deegaanka usoo gunaanaday.

Tababarkan oo kaqabsoomay xarunta deegaanka ee jigjiga socdayna mudo 4 maalmood ah ayaa waxaa usoo gunaanaday tababartayaasha Madaxwayne ku-xigeenka ahna wasiirka waxbarashada mudane Mawliid Haayir Xasan isagoo wasiirku kula dardaarmay tababartaashan qaatay casharada muhiimka ah ee nidaamka baris-barasho ee caruurta inay sidii loo baray uga dhaqan galiyaan goobihii ay kayimaadeen iyo inay waliba gaadhsiiyaan macalimiinta kale ee aan fursad uhelin tababarkan si ay iyana uga hirgaliyaan goobahooda.

Waxaa kale oo gunaanadka tababarkan dardaaran kaa lamid ah kasoo jeediyay Gadh-wadeenka Geedi-socodka Horumarinta Macalimiiinta ee xafiiska waxbarashada mudane Farxaan Cabdi Makhtal.

Xubnihii tababarka qaatay ayaa iyaguna dhankooda balanqaaday inay siduu yahay u meel-marin doonaan tababarka ay qaateen.