Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Deg Deg: Magacaabis Cusub oo Lagu Sameeyay Hogaaminta Booliska DDSI.

Jigjiga(CN) Khamiis Sept-17-2015. Sidaad wararkayagii hore kala socoteenba waxaa maalmahan uu shir qiimayn ah uga socday Machadka maamulka iyo maaraynta dhamaanba masuuliyiinta madhabanyaa booliska deegaanka.

Hadaba iyadoo laga duulayo natiijadii qiimaynta kasoo baxday ayaa maanta qalinka lagu duugay magacaabid cusub oo lagu sameeyay hanaanka hogaamineed ee komishinka booliska DDSI.

Sidaadaraadeed, waxaa Komishinka booliska DDSI loo magacaabay Colonel Cabdi-xakiin Maxamed Baaje, sidoo kalana ku-xigeenka Komishinka booliska  DDSI ee dhinaca baadhista ayaa loo magacaabay Colonel Cali Ibraahin Cabdi, halka komoshin ku-xigeenka booliska DDSI  ee dhinaca maamulka loo magacaabay Shaalaqe Xasan ismaaciil ibraahin.

Wixii kale oo xog ah ee ku saabsan dhinanca dhismaha ciidanka booliska DDSI ka dheeho cakaaranews