Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Waftigii Balaadhnaa Oo kasoo Laabtay Magaalada Godey

Qabridahar(CN) Sabti, 26ka September 2015, kadib munaasabadii taariikhiga ahayd ee loo qabtay guulihii waawaynaa ee ciidanka gaarka ah ee DDSI kasoo hoyiyey ladagaalanka cadawga Al-qushaash oo xalay soo gabagawday ayay madaxayne CMC iyo waftigii balaadhnaa uu hogaaminayay duhurkii u ambabaxeen dhanka magaalada Qabridahar ee xarunta gobolka qorraxey.

Hadaba, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku-xigeenka ahna Wasiirka Hawlaha guud iyo Horumarinta Magaalooyinka mudane Cabdixakiin Cigaal iyo madaxweyne ku-xigeenka ahna Wasiirka Waxbarashada mudane Mawliid Haayir ayaa marka lamarayo kadinka magaalada Q/dahar ee dhanka Godey laga yimaado ayay ubaydheen indha-indhayn mid kamid ah mashaariicaha aagaas laga fulinayay oo ahaa dhisme iskuul loogu talagalay ardayda modelka ah oo dhamaystirmay.

Indha-indhayn kadibna waxaa lagalay magaalada Q/dahar iyadoo waftigan balaadhan si fiican loo soo dhaweeyay islamarkaana loo sii qaaday guriga martida oo ay uhoyanayeen.