Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Afdheer Oo Sheegay In Ol-olihii Diwaangalinta Waxbarashadu Qabsoomay

Jigjiga(CN) Axad, 27ka September 2015, Gudoomiye kuxigeenka gobolka afdheer ahna kusimaha gudoomiyaha mudane Cabdi Maxamed Ibraahin ayaa sheegay in ol-olaha diwaangalinta ardayda da'da waxbarashada gaadhay uu kaqabsoomay dhamaan degmooyinka gobolka ilaa heer tuulo iyadoo kooxda waxbarashada heer deegaan kasocotayna si fiican ay ula shaqeeyeen kooxo degmo kasta oo gobolka ah looga diyaariyay ilaa baadiyahana lagaadhay si loo soo ogaado tirada da'da waxbarashada gaadhay ee xoolo dhaqatada ah oo looga dhigo sanadkan xoolo dhaqato beeralay.

Waxaa intaa dheer, in goob kasta oo kamid ah gobolka xiligii ol-olahan lagu jiray ilaa qabaleeyada laga samaynayay fagaarayaal dood cilmiyeed oo bulshada lagu tusayay faaiidada ay waxbarashadu leedahay.

Dhanka kale, bulshada ayaa iyana aad ugu diirsatay ol-olahan iyagoo xataa sheegay inaysan kali ah ardayda da'da waxbarashada gaadhay keenaynin balse ay iyagu uga horaynayaan diwaangalinta caruurta markaa kadibna ay diwaangalinayaan caruurahooda oo idil.