Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxweynaha iyo Waftiga oo u Jaheystey Xarunta Deegaanka

Jigjiga (CN) Sabti, 27 sept, 2015, Madaxweynaha DDSI mudane CMC, madaxweynekuxigeenada iyo waftigii kale ayaa saaka ka soo ambabaxay magaalada Qabridahar ayagoo u soo jaheystey dhanka xarunta deegaanka Jijiga.
madaxweynaha ayaa intuu socdaalka ku jiray kula kulmayay goobaha uu marayay odayaasha goobahaaas, gaar ahaan wijiwaaji, sheygoosh, baka, birqod iyo goomaar. asagoo halkaa ku weydiinaya inay maqleen mashaariicaha waaweyn ee biyo-xidheenada loo qabtey goobahan, iyo in la dhagax-dhigidoona xili dhaw.
ugu danbeyn waftiga oo ku soo beegmay xili-qadadii magaalada Dhagaxbuur ayaa halkaa ku yara hakadey, isagoo casargaabadkii waftigu ku soo beegmay xarunta deegaanka.