Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Munaasabada Xuska Sanad Guurada 28aad ee Todobaadka Dalxiiska Dalka Itoobiya oo Maanta si Rasmiya uga furmay Xarunta Deegaanka ee jigjiga.

Jijiga (CN) 28.Sebtemmber 2015 Waxaa maalintii shalay si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta deegaanka ee jigjiga uhuud  kala duwan ee ka socoday dhamaanba deegaanada dalke iyo masuuliyiinta sare ee heer faderaal  ee ka qayb galaysay munaasabada xuska maalinta dalxiiska dalkeena itoobiya uhuudaasi oo uu horkacayay wasiirka wasaarada  dhaqanka iyo dalxiiska dalka itoobiya mudane  Aamin cabdiqaadir.

Haddaba waxaa saaka ka furmay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ee xarunta jigjiga munaasabada xuska 28aad taasi  oo ay sanadkan mari galisay xukuumada DDSI waxaana ka  soo qayb galeen masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, masuuliyiinta sare ee  heer faderaal oo uu ka mid  wasaarada daslxiiska JDFI  mudane aamiin cabdiqaadir masuuliyiinta iyo ergooyinka ka kala socday 9ka deegaan iyo 2 maamul magaalo

Waxaana furitaankii munaasabadan ka hadlay madaxwayanaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar wuxuuna ugu horayntii si qoto dheer ugu mahad naqay masuuliyinta iyo ergooyinka ka soo qaybgalay munaasabdan xuska ee uu sanadka deegaanku marti galinayo wuxuuna sheegay madaxwaynuhu sanad guuradan dalxiiska ee hal ku dhig looga dhigay milyan dalxiisa yaal ah iyo mulyan fursadsiin ah ay sharaf u tahay deegaanka in maanta lagu xuso.

Madaxwaynuhu waxa kale oo uu ka hadlay in ay deegaanka maanta sharaf ka dib markii ay sanadihii ugu danbeeyay kor loo qaaday koboca dhaqaala lana xasiliyay dhinaca amaanka deegaanka maanta in lagu xuso munaasabadan qaaliga ah ee maalinta dalxiiska aduunka oo ay dalkeena itoobiya noqoday wadamada ugu horeeya dhinaca dalxiiska aduuna.madaxwayne oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in ay munaasabadani ku soo beegan tahay wakhti guulo mug leh laga soo hooyay qorshihii GTP2  laguna jiro hirgalinta bilowga qorshaha GTP2. Taasina ay guul iyo sharaf u tahay guud ahaanba deegaanka in lagu xuso xarunta deegaanka ee jigjiga.

Dhankiisa wasiirka wasaarada dalxiiska JDFI mudane Aamiin Cabdiqaadir wuxuuna sheegay in uu deegaanka soomalida itoobiya yahay mid hodan ku ah goobaha dalxiiska wuxuuna tilaan dheer ka bixiyay  goobo badan ee ka mid deegaanka oo hodan ku ah dalxiiska.

 

Wasiirka xidhiidhka arimah dawlad dhaqanka iyo dalxiiska DDSI mudne Idiris Ismaaciil Cabdi ayaa sheegay in uu deegaanku leeyahay goobo dalxiis oo soo jeedanaya indhaha dalxiisayaasha caalamka balse waan wakhtiyadii hore laga faaiidayasan wuxuuna sheegan in sanadihii ugu danbeeyay lagu guulaystay soo saarida goobaha dalxiiska oo cusub, taasi oo hadal la soo bandhigay, wuxuna sheegay wasiirku in qorshaha GTP2ga ee 5 sano ee soo socda deegaanka u qorshaysan tahay in uu ka mid noqdo 4 deegaan ee dalkeena itoobiya ugu horeeya dhinaca dalxiiska