Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

MDW CMC Oo Kulan Layeeshay Injineero Cusub Oo Deegaanka Usoo qalin Jabiyey

Jigjiga(CN) Talaado, 29ka September 2015, Madaxweynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Wasiirka Xafiiska Biyaha, Macdanta iyo Tamarta DDSI marwo Fartuun Cabdi Mahdi ayaa saaka kulan layeeshay injineero cusub oo deegaanka uga soo qalinjabiyey jaamacadaha kaladuwan ee wadanka gudihiisa kuyaala.

Tirada injineeradan oo gaadhaysa 80 xubnood ayaa culuumta ay soo barteen isugu jirtaa water engineering iyo civil engineering.

Kulankan oo kusaabsanaa wacyigalin iyo shaqaalaysiin ayuu madaxwaynuhu usheegay injineerada inay aragti shacab yeeshaan, in fikirkoodu noqdo wax uqabo umadaada, inay kamadaxbanaanaadaan musuq waayo waxa ay kashaqayn doonaan waa biyo. biyuhuna cayaar iyo musuqtoona magali karaan sababtoo ah waa naftii nooluhu ku dhaqdhaqaaqayay. isagoo kula dardaarmay injineeradan inay isbadal keenaan. si wadaniyad iyo daacadnimo ku dheehan tahayna ugu shaqeeyaan shacabkooda. wuxuuna madaxwaynuhu hadalkiisii kusoo gabagabeeyay in dhamaantood laga shaqaalaysiiyo maanta shirkadaha kaladuwan ee deegaanka iyo degmooyinka maadaama oo 96 biyo-xidheen laga samaynayo.

Dhanka kalana injineerada ayaa u mahadceliyey madaxwaynaha iyo wasiirkaba iyagoo cadeeyay inay yihiin wadaniyiin wax usoo baratay shacabkooda oo ay si hagar la'aan ah ugu shaqayn doonaan ummada. isbadal lataaban karana ay la iman doonaan.