Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xaflada Lagu Daah Furayey Mashruuca Caafimaadka Hooyada Dhalaanka iyo Dhalinyarada (RIF) oo ka dhacay jigjiga

 

 

 

Jigjiga (CN) Arbaco, 30ka September 2015, Xafladan lagu daah furayay mashruuca cusub ee caafimaadka hooyada dhalaanka iyo dhalinyarada  ee marka magaciisa la soo gaabiyo afka qalaad loo yaqaan (RIF)  oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka ayaa ka dhacday Xamda Huteel, waxaana  furitaankiisii ka so qayb galay  masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI, masuuliyiin ka socoday xafiisyada heer deegaan ee ay bahwadaagta ku yihiin mashruucan,  masuuliyiin ka socoday hay’adaha aan dawliga ahayn iyo waliba shaqaalaha ka hawlgalidoona mashruucan.

Mashruucan oo ka hawlgalidoona dhamaan degmooyinka deegaanka iyo maamulada magaalooyinka oo ay hirgalintiisa iska kaashadeen xafiiska caafimaadka DDSI  iyo Ururka Horumarinta Soomalida itoobiya ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay ku sii simaha wasiirka caafimaadka DDSI mudane Caydaruus Axmed, oo si qoto dheer uga hadlay ahmiyada uu hirgalinta mashruucani u leeyahay ka qaybqaadashada koboca dhaqaalaha degaanka  wuxuuna sheegay in uu yahay mashruuc lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka ee dhinaca hooyada dhalaanka iyo dhalinyarada mashruucana uu  ka hawlgalidoono dhamaan degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka deegaanka, si mug lehna ay qaybaha kala duwan ee bulshadeenu uga faa’iidaysan doonto.

Waxaa, kale oo furitaankii xafladan ka hadlay isku duwaha guud ee mashruuca caafimaadka hooyada dhalaanka iyo dhalinyarada DDSI mudane Shaafici Daahir Muuse wuxuuna sheegay in furitaanka iyo hirgalinta  mashruucan oo mudo badan la sugayay in uu ahmiyad balaadhan u leedahay guud ahaanba deegaanka kaas  oo uu sheegay in uu mashruucani diirada saarayo awood siinta adeegyada hufan ee dhinaca hooyada dhalaanka iyo dhalinyarada uuna yahay mashruuc horumarineed oo si mug leh uga qayb qaadanaya kor u qaadida dhaqaalaha deegaanka iyo hirgalinta qorshaha koboca dhaqaalaha ee jaan’qaadka 2aad GTP2ga. Shaafici oo hadalkiisa sii wata ayaa si qoto  dheer sharax uga bixiyay jihooyinka iyo  hab’raacyada fidineed ee lagu  hirgalinta mashruuca wuxuuna tilmaamay in mashruucani si balaadhan u gufayndoono meelaha ay guldalooladu ka jirto ee   dhinaca wacyigalinta iyo xidhiidhka bulshada ee ku taxaluqa adeegyada caafimaadka hooyada dhalaanka iyo dhalinyarada,kaasi oo  si dhaw u sahlaya in hooyada ku nool deegaanku meel kasta oo ay deegaanka ka  joogtu u heli lahayd adeeg caafimaadk hufan oo tayo leh.

Dhankooda waxaa iyagunka ka hadlay daah furkii xafladan masuuliyiinkii ka socoday xafiisyada heer deegaan iyo hay’adaha aan dawliga ahayn ee ka qayb’qaadanaya hirgalinta mashruucan kuwaasi oo sheegay sida ay ugu faraxsanyihiin in uu marshruucani ka hirgalo deegaanka waxayna hoosta ka xariiqeen in ay ka soo dhalaalayaan hirgalinta mashruucan doorka kaga aadan.