Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulanka Khibrad wadaaga Hospitalada

Jigjiga(CN) khamiis, 1 October 2015, kulan khibrad wadaag ah oo ay kasoo qaybgaleeen 4 hospital oo deegaanka ah oo kala ah: qabridahar, dhagaxbuur, godey, wardheer iyo Diljora hospital oo maamulka diredawa ah ayaa saaka kadhacay hospitalka maamulka magaalada Godey.

Kulankan khibrad iswaydaarsiga ah ayuu hospital kasta soo bandhigayay waxqabadkiisa iyo adeegyada uu hormuudka kuyahay si hospitaalada aan adeegyada noocaas ah lahayn ay ugaga daydaan. waxaa intaa dheer, oo iyana halkaa lagu ogaanayay heerka ama kaalinta hospital kasta.

kulankan khibrad wadaaga ah ee hospitaaladu kama dhicin oo kali ah magaalada godey ee waxaa kale oo uu kadhacay Shashamane Hospital oo deegaanka Oromiya ah waxaana kaqaybgalay laba hospital oo deegaankeena ah-Filtu hospital iyo Hargele Hospital meesha cisbitaalka fiiq iyo Karamarana ay kulankan mid lamid ah kuqaateen Hiwotfana Hospital oo deegaanka Hararida

Hadaba, maareeyaha guud ee hospitalka M.M.Godey mudane Wali Cilmi Shariif oo cakaara uga waramay kulankan ayaa sheegay in kulankani ahaa mid aad muhiim u ah. khibrad iyo aqoon badana uleh horumarka hospitalaada. isagoo maareeyuhu hadalkiisa raaciyay in kulamada noocan ah ee khibrad iswsaydaarsiga ay qayb laxaad leh kaqaadanayaan qorshaha isbadalka iyo koboca dhaqaalaha ee jaanqaadka 2,aad.