Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xukuumada DDSI Oo Munaasabad Abaalmarin ah Uqabatay Xafiisyada, Wakaaladaha, Shirkadaha, Iskaashatooyinka iyo Hormuudka Beeraha

Jigjiga(CN) sabti, 3dii October 2015, munaasabad halkudhag looga dhigay''Noloshu waa biyo, beero iyo nabad'' oo lagu abaalmarinayay xafiisyada, wakaaladaha, shirkadaha, iskaashatooyinka, shaqsiyaadka hormuudka ah dhanka beeraha iyo biyaha, madaxwayneyaashii hore ee deegaanka, odayaasha kaalinta lama ilaawaanka ah kuleh xasilinta nabadgelyada iyo taabagalinta horumarka, abwaanadii iyo fanaaniintii sameeyay halgan-faneedka ayaa galabta kadhacday hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdile Xasan.

Munaasabadan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayuu ugu horayn madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar abaalmarin cagaf-cagafyo ah kugudoonsiiyay madaxwayneyaashii hore ee deegaanka, odayaasha deegaanka oo laga dhigay 5 iskaashato furayaasha 5 cagafna lagudoonsiiyay, meelaha laga samaynayo mashruucyada waa wayn ee biyo xidheenada ah sida: beka, birqod, goomaar, shaygoosh iyo maraacaato oo min hal xabo gudoomay, degmooyinka ay kamidka yihiin: lagahida, iimay bari, iimay galbeed, dhoobawayn, mustaxiil, feerfeer, qalaafo, cadaadle, godey, qabridahar, qabribayax, tuliguuleed, baabili, awbare, erer iyo kuwo kale oo dhamaan gudoomay min hal cagaf, 5 xubnood oo hormuudka tabaca beeraha xili hore fahmay oo 5 cagafcagaf lasiiyay iyo ururka dhalinyarada oo 3 xabo gudoomay.

Sidoo kale, madaxwaynaha ayaa abaalmarino kaladuwan gudoonsiiyay xafiisyada, shirkadaha iyo wakaaladaha guulaha waa wayn ee aan maanta kutaamayno kakeenay dhanka horumarka, iskuxidhka bulshada, nabadgalyada IWM. waxaana kamid ahaa wasiirka xafiiska biyaha DDSI marwo Fartuun Cabdi Mahdi oo lagudoonsiiyay shahaado sharaf, billad iyo silis dahab ah. maadaama oo ay shaqo wanaag, karti, dhiirigalin, dabagal, daacadnimo iyo lahaansho muujisay. maareeyaha guud ee wakaalada dhismaha hawlaha biyaha mudane Maxamed Cabdi Waaxid, maareeyaha guud ee wakaalada naqshadaynta, daraasaadka iyo dabagalka mudane Subeer, shirkada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee booliska, maareeyaha wakaalada warbaahinta mudane C/wali Xaaji Maxamed oo iyaguna gudoomay bilado iyo shahaado sharaf maadaama oo ay firfircooni, kago'naansho iyo dadaal shaqo layimaadeen. Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu abaalmarino lacag, dhul iyo bilado isugu jirta gudoonsiiyay abwaanada iyo fanaaniinta heesaha halgan-faneedka ah ilaa dibada kasoo galay.

Dhanka kalana Af-hayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo Madaxa Xarunta Dhexe lehna awood madaxwayne kuxigeen mudane Cabdicasiis Maxamed ayaa islagoobtaas iskaashatooyinka beeraha ee lagasoo kala xulay degmooyinka deegaanka kugudoonsiiyey cagafcagafyo lamid ah kuwaa kale.

Ugudanbayna, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa abaalmarin dhaqameed gudoonsiiyay afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane iyo madaxa xarunta dhexe lehna awood madaxwayne kuxigeen maadaama oo ay ruux xisbi, aragti shacab, isabadal, ha abuur, wadaniyad, karti iyo daacadnimo kamuujiyeen waajibkoodii shaqo. guulo waawayna kasoo hoyiyeen sixitaanka systemka, soo xulashada xubnaha xisbiga, dabagalka nidaamka fulinta qorshayaasha xisbiga, qabashada qiimaynada laamaha dawlada iwm.