Degmada Faribault Ee Gobolka Minnesota Oo Laga Dhisay Maamul Jaaliyadeed

Faribault(CN) Isniin, 5tii October 2015, Shir lagu dooranayey maamulka degmada Faribault oo ay kasoo qeybgaleen Maamulka guud ee North America iyo dhamaan qeybaha kaladuwan ee bulshada kudhaqan magaalada Faribault ayaa kaqabsoomey hoolka shirarka ee degmada Faribault ee gobolka Minnesota.

Waxaana ugu horayn shirka warbixin iyo xog waran kasoo jeediyay Gudoomiyaha Guud ee North America Mudane Maxamed Shugri Nuur oo kahadley doorka qurbajoogtu ku leedahay horumarka iyo kaalinta looga baahan yahay in ay ka qaataan Horumarka iyo nabadgalyada DDSI.

Sidoo kale wuxuu gudoomiyuhu halkaa ka soo jeediyey Khudbad aad u qiimo badan oo meela badan taabanaysay isaga oo tilmaamay in shirka maanta uu xambarsan yahay muhiimad gooni ah waayo waa shirkii ugu horeeyay ee jaaliyada faribault ay gobolka minnesota isugu timaado looguna dhiso maamul.

Waxaa kale oo uu sheegey iney muhiim tahay in degmadan laga dhiso maamul saxartiran oo u adeega shacabka kunool magaalada Faribault kanaqayb qaata horumarka xawliga kusocda ee ka hirgalay deegaanka. Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa raaciyay in maamulka ladhisayo uu dhanka kale yahay Maamulkii isku xidhi lahaa shacabka magaalada faribault iyo maamulka guud ee jaaliyada North America.

Waxaa isna shirkan kahadley Maareeyaha Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya mudane Ibraahin Carab Oo hadalkiisii kubilaabay in xooga lasaaro wacyigalinta dhalinyarada qurbaha maadaama dhalintu tahay furaha nabada iyo horumarka sidaas darteed ay muhiim tahay in dhalin yarta lakasbado siday ugu hiran lahaayeen kaqayb qaadashada horumarka kahanaqaaday deegaanka. Wuxuuna maareeyuhu carab baabay in Dadaalka maanta ay DDSI iyo Dawlada dhexe ugu jirto sidii deegaanka soomaalida looga saari lahaa saboolnimada lagarab istaago oo loo guntado xubin kanoqoshada ururka horumarinta soomaalida itoobiya

Dadkii kale ee goobta ka hadley waxaa ka mid ahaa mudane Abdiwaduud Axmed Gani oo ahaa Gudoomiyaha Ururka Wadaniga ee SEDYO kana mid ah maamulka sare ee jaaliyada north america oo halkaas kasoo jeediyay in ay ka maamul ahaan iyo ka SEDYO ahaanba ay garabtaagan yihiin maamulka jaaliyada laga yagleeley degmada faribault hal meelna uga soo wada jeedsanayaan Horumarka iyo ka shaqaynta nabadgalyada iyo taageerida maamulka suuban ee deegaanka ee uu XDSHSI majaraha uahayo.

Kadibna Waxaa laguda galay dhisida maamulka degmada Faribault isagoo gurigu si xor ah codkiisa ugu doortay Gudoomiyaha guurtida Odayaasha-mudane Xasan Faarax Cali (Darwiish),Gudoomiyaha Maamulka Degmada Faribault-mudane Mohamed Xuseen Xasan Gudoomiye Kuxigeen mudane Mohamed C/qaadir (Mubashir), Afhayeenka-mudane Axmed Maxamed Sheekh Khaliif (ina abow), xog-haynta marwo-Faadumo Maxamed Cali, Arimaha bulshada Cabdirisaaq mixil.

Gabagabadiina, Waxaa dhamaan la islaqaatay in cid walba oo jaaliyadan ah ay ugu horayn xubin kanoqoto ururka horumarinta soomaalida itoobiya iyadoo shakhsi kastana uu hal ku balan qaaday kaqayb qaadashada horumarka deegaankiisa kasocda. Jaaliyada North America ayaana halkaa uga soo hambalyaynaysa raisal wasaaraha dalka mudane Hailemariam Desalegn xilka marka labaad loo doortay, iyo waliba xukuumada DDSI horumarka ay gaadhsiisay shacabkeeda.