Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

MW CMC iyo Waftigii uu hogaaminayay oo dib oogu soo laabtay Jijiga

Jijiga(CN) Jimce, 9ka October 2015, Madaxweynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa maanta kusoo laabtay xarunta deegaanka ee jijiga. kadib markii ay madaxwaynaha iyo waftigu ka qayb galeen shirkii golaha federeeshinka ee lagu doortay afhayeenka cusub iyo kuxigeenkiisa oo isagu horay u ahaa isla kuxigeenkan iyo shirkii golaha wakiilada shacabka ee lagu dhisay dawlada federalka ah ee 5ta sano ee soo socota.

Hadaba gudiyada golaha federeshinka oo horay u ahaa 2 ayaa laga dhigay 3. Waxaana 3da gudiba deegaankeena uga mid ah: 1. Madaxwayne CMC oo kuxigeen ka ah gudiga kabista miisaaniyada iyo arimaha dakhliga dalka, 2. Gudiga midnimada dimoqraadiyada waajibaadka dastuurka iyo nabadgelyada waxaa xubin ka ah Madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska xoolaha, beeraha iyo horumarinta miyiga DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax, 3. gudiga turjumida dastuurka iyo codsiyada cabashooyinka qoomiyadahana waxaa xubin inooga noqday mudana maxamedrashid isaaq oo ah afhayeenka golaha xilibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI

Shirarkan oo lagu doortay afhayeen cusub iyo kuxigeenkii hore, laguna dhisay dawlada federalka ah oo mar labaad lagu doortay mudane Hailemariam Desalegn-rasial wasaaraha dalka hogaaminaya 5ta sano ee soo socota,kadibna raisal wasaaruhu golaha wasiirada kudhawaaqay, golaha wakiilada shacabkuna ku ansixiyeen ayaa kusoo gabagaboobay guul iyo jawi wacan. Mas'uuliyiintii uGu saraysa xukuumada DDSI ee kaqayb gashay shirarkaasna ay farxad iyo nabadgelyo maanta dib uGu soo laabteen xarunta deegaanka waa jigjige