Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Munaasabad Heer Qaran ah oo Lagu daah Furayay Ol’olaha Talaalka Cudurta Dabaysha (Polio) ayaa ka Dhacday Magaalada Shiniile ee xarunta Gobolka Siti.

Shiniile(CN) jimce 9 October 2015 Xafladan heer qaran ee furitaanka ol’olaha talaalka cudurka dabaysha (polio) ee 8da bisha October 2015 ayaa si heer qaran ah loogu qabtay magaalada shiniile ee xarunta Gobolka Siti. Xafladan oo uu martigaliyay sanadka xafiiska caafimaadka DDSI ayaa ahayd mid si meeqaam sare ah loo soo agaasimay, waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ka socotay wasaarada caafimaadka heer federal,masuuliyiinta ugu sareeya xafiiska caafimaadka DDSI, masuuliyiinta xafiisyada caafimaadka ee deegaanada Oromiya gaar ahaan bariga herarge, iyo ismaamulka deridhaba iyo waliba masuuliyiinta ugu saraysa Hay’adaha caalamiga ah ee dalkeena itoobiya sida WHO, UNICEF iyo rotary international oo iyagu kaalin ka gaysta dhinaca deeqaha.

Xaflada ol’olaha talaalka ee lagaga hortagayo cudurka dabaysha ayaa waxaa lagu talaalayaa caruurta da’doodu ka yar tahay 5 jir, waxaana furitaankii xafladan ka soo jeediyay khudbad dheeli tiran wasiir ku xigeenka caafimaadka DDSI ahna ku simaha wasiirka mudane C/fataax Siciid isaga oo ugu horayntii u mahad’naqay masuuliyiinta iyo marti sharafta ka soo qaybgalay munaasabadan ayaa waxa uu ka warbixiyay dadaalada culus ee ay ka deegaan ahaan ugu jiraan xaqiijinta cidhibtirka iyo ka hortaga cudurka dabaysha(polio) iyo guud ahaanba kor u qaadida adeegyada caafimaadka oo hufan tayona leh.

Wuxuuna. Mudane Cabdifataax si qoto dheer u tilmaamay ahmiyada uu leeyahay talaalka lagaga hortagayo cudurka dabyasha ee heer qaran ee lagu talaalayo caruurta dadoodu ka yartahay 5 sano jirka iyo guud ahaanba ka hortaga cudurada faafa, isaga oo ku booriyay deegaanada in ay sidii loogu talagalay u hirgaliyaan talaalkan maanta munaasabada heer qaran loo qabtay.

Waxaa kale oo warbixin dheeriya naga siiyay munaasabada heer qaran ku simaha gadhwadeenka geedi socodka kor u qaadida caafimaadka iyo fayo dhawrka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdishakuur Cabdilaahi oo noo sheegay in munaasabadan oo uu xafiiska caafimaadka DDSI oo kaashanaya wasaarada caafimaadka JDFI iyo hay’adaha ay bahwadaagta yihiin xafiiska ay is wada jir ah u diyaariyeen taasi oo uu marti galiyay xafiiska caafiamadka DDSI waxaa kale oo uu tilmaamay ku simaha gadhwadeen in masuuliyiintii sare ee ka hadashay munaasabadaasi ay si qoto dheer ugu fogaadeen in ay xukuumada DDSI gaar ahaan xafiiska caafimaadka ee DDSI uu guulo balaadhan oo dhaxal gal ah ka soo hooyay xaqiijinta cidhibtirka cudurka Polio iyo kor u qaadida tayada adeegyada caafimaadka.

Munaasabadaasi oo ahayd mid ayna u kala hadhin kooxa fanka iyo suugaanta deegaanada koonfur bariga itoobiya kooxaha baanbeyda ismaamulka magaalada deridhabe, ayaa gabagabadii munaasabadaasi waxaa masuuliyiintii kala duwanayd sida jir ah ugu siiyeen dhibicdii ugu horaysay ee ol’olaha talaalka caruurtii ka soo qaybgashay munaasabadaasi.

Isku soo wada xooriyoo xafiiska caafimaadka DDSI ayaa wakhtiyadii ugu danbeeyay guulo waawayn ka soo hooyay ka midho dhalinta meel marinta hirgalinta qorshayaasha ku qotoma kor u qaadida adeegyada caafimaadka oo tayo leh iyo cidhibtirka, qalajinta iyo ka hortaga cudurka polio taasi oo ay uga marag kaceen kuna amaaneen tusaalooyinka fiican ee uu xafiiska caafimaadka DDSI muujiyay wasaarada faderaalka iyo hay’ada WHO.