Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska TVETka oo 9Ka Gobol U Kala Diray Xubno Khabiiro

Jigjiga(CN) sabti Oct-10-2015. Mar uu Xafiiskiisa waraysi  ku siiyay wasiir ku-xigenka xafiiska TVETka Mudane C/risaaq saxane  warbaahinta degaanka ayaa wuxuu nooga warbixiyay in uu xafiisku u kala diray sagaalka Gobol ee degaanka kooxo shaqaale ah kuwaasoo loo xilsaaray soo xulida ardaydii dhamaysatay waxbarashada  fasalka 10aad ee aan fursad u helin inay dhibcihii  lagu gali lahaa fasalada 11aad iyo 12aad ee u diyaargarawga jaamacadaha  silooguxareeyo kuliyadaha dawliga ah ee degaanka sida kuliyada caafimadka, kuliyadaha farsamada iyo xirfadaha iyo kuliyada Beeraha ee DDSI.

Wuxuuna sheegay wasiir kuxigenku in ardayda sanada 2008 tirsiga itoobiya kuliyadaha dawliga lagu soo xarayn doono tiradoodu dhantahay  in kabadan 4000 kun oo arday kuwaasoo regular ah islamarkaasna ardaydaas  laga soo kala xuli doonaa dhamaan 68da dagmo iyo 4 maamul magaalo ee degaanku ka koobanyahay halka 2600  oo arday fursad waxbarasho extension ah ay dibada kaga baran doonaan waxbarashada.

Mudane Saxane ayaa intaa ku daray in  diiwaangalinta ardaydu ka bilaabmi doonto Kuliyadaha  9 bisha deqimti ee sanadkan 2008, 9/02/2008 e.c iyadoo diiwaangalintu socon doont ilaa 13/02/2008 e.c.

Waxaa kale oo uu Mr saxane noo sheegay in kuliyadaha gaarka loo leyahayna uu xafiisku u qorsheeyay inay qaatan sanadkan arday dhan 2400 oo arday  taas oo tirada ardayda xafiiska u qorshaysan in ay sanadan 2008  isudiwaangaliyaan guud ahaan kuliyadaha TVET Education systemka bixiya ee degaanka arday Tiradoodu gaadhayso 9000 oo arday oo isugu jirta lab iyo dhedig.  

 

Isku soo wada duuboo talaabadan uu xafiisku qaaday ayaa muujinaysa in degaanku ku talaabsaday horumar dhan walba taabanaya islamarkaana ay kuliyadaha Degaanka iyo xafiiska TVETka  dadaal baaladhan oogujiraan kamidha dhalinta qorshayaasha ay xukuumadu udajisay in shacabka lagaga saaro saboolnimada oo ah cadawgeena koobad si loo soo saaro  Cudud waxbaratay oo ku gaashaaman Aqoon ka kooban dhamaan Xirfadaha kala gadisan ee u dajisan manhajka TVETka dalkeenan itoobiya.