Dhul Magdhaw ah Oo Lasiiyay Xubno Cabanayay

Jigjiga(CN) Axad, 11ka October 2015, Kadib magdhawgii 70ka milyan ahaa ee lasiiyay dadkii ay guryahooda saamaynta kuyeelatay balaadhinta iyo dayactirka wadada qorraxey ee bu'da magaalada jigjiga ayaa waxaa soo baxay xubno daganaa guryaha dawlada ee dumintu saamaysay oo cabanaya.

Hadaba, xukuumada DDSI oo ah xukuumad aragti shacab leh mar walbana looga bartay inay si deg-deg ah uga jawaabto baahida shacabka ayaa kulan layeelatay saaka xubnahan cabanayay.

Xubnaha ayaana usoo dhigay xukuumada in guryaha kirada ah ee dawlada ay mudo dheer daganaayeen iyagoo kirada bixin jiray. kadibna ay balaadhinta wadadu saamayn kuyeelatay. Hanti ay wax kudhistaan iyo meel kale oo ay uguuraana aysan haysanin.

Xukuumada ayaana cabashada xubnahan si dhakhsa ah ugaga jawaabtay magdhaw dhul ah iyo lacag amaah ah oo ay kushaqaystaan.

Ugudanbayna, xubnihii cabanayay oo ubadnaa dadka luuqada axmaariga ah kuhadla ayaa ugu mahadceliyay xukuumada waxqabadka iyo wanaaga ay had iyo jeer lagarab taagan tahay shacabkeeda.