Qiimaynta Rubuca 1,aad Ee Degmooyinka Gobolka Afdheer Oo Bilaabatay

Hargeele(CN) Isnin, 12ka October 2015, Waxaa saaka guriga shirarka ee degmada Hargeele ka bilawday shirka qiimaynta rubuca 1aad ee degmooyinka gobolka Afdheer.

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Afdheer Mudane Cabdi Maxamed Ibraahim oo furitaankii qiimayntan ka hadlay ayaa qeexay qodabada xooga la saarayo qiimayntan oo ah dhinacyada horumarka sida: waxsoosaarka tabaca beeraha, biyo-xidheenada, abaabulka waxbarashada, caafimaadka, dakhliga, isticmaalka miisaaniyada iyo xidhiidhka dadweynaha iyadoo laga duulayo qorshayaashii degmooyinka u yaalay.

Shirkan qiimaynta ah oo ay ka soo qayb galeen hogaaminta gobolka, gudiga fulinta degmooyinka, xafiisyada horumarinta, dakhliyada iyo maaliyadaha 10ka degmo ee gobolku ka kooban yahay ayaa galinkii hore kusoo gabagaboobay furitaan iyo jahasiin iyadoo galinka danbana uu halkaa ka sii socon doono.

Shirka qiimaynta ah ayaa la filayaa inuu socon doono mudo afar maalmood ah.