Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xukuumada DDSI oo Shaqa Abuur u Samaysay 200 oo ah, Dhalinyarada waxka baratay kuliyadaha deegaanka.

Jigjiga (CN)15,October, 2015  Xukuumada DDSI oo dadaal xoogan ugu jirta sidii loo tirtirilahaa loona qalajin lahaa   saboolinimada iyo jahliga, waxa hogaaminta ugu  sareysa,  xukuumada DDSI ee uu hormuudka u yahay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa  dajisay qorshayaal cilmiyaysan oo isku dheeli tiran  waxaana ka mid ahaa in la xoojiyo islamarkaana shaqo abuur deg deg ah loo sameeyo ardayda ka soo baxday  kuliyadaha deegaanka (TVET) ee bartay xirfadaha kala gadisan. Iyada oo taasi laga duulayo ayaa galabta shaqo abuur loo sameeyay 200 oo ah dhalinyarada  baratay  xirfadaha kala duwan ee ay bixiyaan kuliyadaha deegaanku.

Haddaba xukuumada DDSI  ayaa galabta dhalinyaradan loo sameeyay shaqo abuurka kulan la’yeelatay taasi oo ay hogaaminayeen wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Ahmed Cabdi maxamed iyo wasiir kuxigeenka xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada (TVET) DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi waxaana warbixin dheer naga  siiyay shaqo abuurkan ay xukuumada u samaysya dhalinyarada wasiir ku xigeenka TVETka mudane Cabdirisaaq Saxane.

Wuxuuna wasiir ku xigeenku hadalkiisa ku bilaabay sidan” xukuumada DDSI oo ka duulaysa ka midho dhalinta hiigsiga hayaanka qorshaha isbadalka koboca dhaqaalaha ee jaan qaadka 2aad GTP2ga ayaa waxay xukuumadu diirada saartay awood siinta abuuritaanka illaha shaqada deg dega ah, gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka waxaana, galabta aan kulan layeelanay 200 oo ay xukuumada DDSI u samaysay shaqo abuur kuwaasi oo ah kuwii ka soo qalin jabiyay waxbarashada kuliyadaha deegaanka iyada oo looga faa’iidaynayo fursahada jira ee ay iyaguna soo barteen gaar ahaan dhinaca xirfadaha iyo farsamada kuwaasi  oo samayn doona furniture  iskuulada deegaanka oo dhan, horena u soo sameeyay qaarkood waxaana lays kugu xidhay iskaashatooyin iyada oo kuwani ay yihiin 6 iskaashato  oo ay samaynta qalabkani ka caawin doonaan xafiiska TVET ku”

Wasiir ku xigeenku isaga oo hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu sheegay in lacagta dhalinyaradan shaqo abuurka loogu sameeyay dhantahay:-   48,000,000 birr taasi oo ka mid noqonaysa gashiyada horumarineed ee ugu waawayn ee shaqo abuurka   dhalinyarada si hore loogu gaadho isbadalka koboca dhaqaalaha, waxaana culayska la saaray in la soo saaro lana koriyo shirkadaha gaarka loo leeyahay oo ka qayb qaadanaya hore u gaadhida horumar buuxa oo joogtaysan.