Wasiir Kuxigeen Lamagacaabay

Jigjiga(CN) Jame, 16ka October 2015, Sidaad wararkayagii hore kula socoteen waxaa kulankii kalfadhiga 2,aad ee golaha hawlfulinta DDSI ee shalay kadhacay hoolka shirarka ee xafiiska madaxwaynaha dib loogu eegay qaab dhismeedka qaar kamid ah xafiisyada heer deegaan iyadoo goluhu halkaa cod buuxa oo wax lagaga badalay waxna lagu soo daray qaab dhismeedka qaar kamid ah xafiisyada heer deegaan ku ansixiyay halkaana lagu soo bandhigay.

Hadaba, waxaa xafiisyada wax laga badalay kamid ahaa xafiiskii horay loo odhan jiray Komishinka Sportiga oo laga dhigay Xafiiska Isboortiga iyo Dhalinyarada.

Sidaadaraadeed, waxaa maanta kuxigeenka xafiiska isboortiga iyo dhalinyarada ee gaar ahaan waaxda dhalinyarada loo magacaabay mudane Cabdishakuur Cismaan Khayre oo ah muwaadin udhashay deegaanka lehna karti, khibrad dheer oo shaqo iyo aqoon sareba.

Xafiiskan oo yeelanaya laba kuxigeen ayaa maanta mid kamid ah loo magacaabay dhanka dhalinyarada. magacaabista kuxigeenka kalana dib ayaan idiinka soo sheegi doonaa.