Shir ay Yeesheen Jaaliyada Qurbajoogta Ee Ottoa Canada Oo Lagu Dhisay Maamul

Ottoa(CN) Axad, 18ka October 2015, Waxaa maanta ka dhacay Magaalada Otowa ee dalka canada shirweyne aan loo kala-hadhin oo ay ka soo qayb-galeen bulshadda qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan magaalada Otowa. 

Waxaa shirkan khadka telephone ka kaga soo qeybgaley maamulka sare ee North America oo fadhigoodu yahey gobolka MN gaar ahaan magaalada minneapolis  oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha guud ee North America mudane Mohamed Shugri Nuur iyo masuuliyiin kale oo ay kamid yihiin Ibraahin Arab, Hussein Abdiqadir, Abdi waduud Ahmed Gani, Abdifataah Hussein halkaasna si aad u xeel dheer ugu siiyay jaaliyada xog dhan walba taabanaysa kana Turjumaysay Waxqabadka DFI, Qorshaha 5ta Sano ee GTP2, Waxqabadka Xukuumada DDSI iyo Guud ahaanba Horumarka iyo Nabadgelyada ee ay ku Talaabsatay DDSI taas oo ay aadna ugu riyaaqeen ka soo qaybgalayaashii kulankan.

Shirkan oo ahaa kii ugu horeeyey ee noociisa ah ayaa ah talaabo loo qaaday dhinaca horumarka iyo wada shaqaynta Jaaliyadaha iyo qurbajoogta u dhalatay DDSI ee ku dhaqan North America islamarkaana lagu doortey shirweynahan xubnaha gudiga fulinta jaaliyada Otowa Canada 

Xubnaha maamulka cusub ee jaaliyada oo ka kooban 4 xubnood waxa ay halkaas ka cadeeyeen siday uga go’antahay garab istaaga horumarka, nabadgaliyada iyo maamulka suuban ee kahana qaaday DDSI ee uu gadhwadeenka kayahey madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo waxqabadka XDSHSI.

Xubnaha maamulka jaaliyada ee magaalada otowa lagaga dhawaaqay waxay kala yihiin sidan hoos ku qoran:

1) Jama Daahir Abdi - (Gudoomiye) 

2) Anwar  Mohamed– (G/xigeen) 

3)Jama Abdi Ismail –(Xogayn) 

4)Abdiwahab Ahmed Yasin- (Afhayen)

Dhanka kale Jaaliyada iyo Qurbajoogta ayaa Baaq Taageero ah u soo Diray Shirweynaha Wadatashiga reysulwasaaraha DFI, Xukuumada DDSI iyo Shacabweynaha ee Lagu qabtey magaalada Shiniile ee gobolka Siti Laguna Dardargalinayo Horumarka,N/gelyada iyo Maamulka Suuban,Yidhina Waxaanu si Buuxda u Taageersanahay Wadatashiga iyo Wixii ka soo baxayba.