Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Munaasabada 8, aad Ee Xuska Maalinta Calanka.

jigjiga(CN) Isniin 19ka October 2015, waxaa maanta  si meeqaam sare ah  looga xusay guud ahaan dalka gaar ahaana deegaanka soomaalida itoobiya munaasabada 8,aad ee  xuska maalinta calanka jamhuuriyada dimoqraadiga federalka itoobiya oo aad ugu wayn dhamaan Qowmiyadaha iyo shucuubta reer itoobiya islamarkaana ay ka qayb galeen masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka beeraha DDSI marwo sucaad axmed faarax, afhayeenka golaha baarlamaanka ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq, golaha wasiirada DDSI, madaxa xarunta dhexe lehna awood madaxwayne kuxigeen mudane Cabdicasiis Maxamed, saraakiisha sare ee ciimada qaranka kuwa ciidamada booliska gaar ah iyo dhamaanba ciidamada kala duwan ee amaanka DDSI.

Waxaana munaasabadan oo ka dhacaday garoonka kubada cagta ee badhtamaha magaalada jijiga oo ay qayb  libaaxeed ka qaadanayeen Ciidamada qaranka, Ciidamada Booliska DDSI,Ubaxa ardayda Dugsiyada, ardayda Jaamacada iyo Kuliyadaha,Ururada Bulshada, 20ka Xaafadood ee magaaada Jigjiga iyo Qayabaha kale ee ay bulshadu kakooban tahay kuwaasoo hiirtii waabariga ka soo bilaabay xarumaha maamulka Xaafadaha iyo Badhtamaha laamiyada magaalada dhexmara Ciyaaro iyo Damaashaad xambaarsanaa shucuur wadaninimo oo xusuus u ah midhihii Dimoqraadiyadeed ee ka curtay halgankii qadhaadhaa ee EPRDF ay xukunka kaga tuurtay Dhiig yacabkii Mingistu.

Hadaba munaasabadan oo ahayd mid si meeqaam sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay wajiyada Qaybaha bulshada,Ciidamada iyo masuuliyiintaba ay ka muuqatay shucuur xambaarsan farxad iyo ahmiyada maalintani u leedahay ayaa waxay cutubyada ciimadamada qaranka, fadaraalka,iyo ciidamada kala duwan ee deegaanka sida ciidamada gaarka ah ee liyuu boolisku ay iyagoo Cutubyo ah ku gaardiyayeen barxada wayn ee munaasabadu ka dhacday taasoo ay Masuuliyiinta Xukuumada iyo Ciidamaduba salaan sharaf ka qaadanayeen Ciidamada gaardinayay.

Intii ay munaasabadani socotay waxaa heeso  ka tirjimaya ahmiyada uu leeyahay calankeenu ku soo bandhigayay kooxaha fanka iyo suugaanka ee DDSI

 Munaasabadan ayaa waxaa furitaankeedii ka hadlay maayirka maamulka magaalada jigjiga mudane Axmed Maxamed Axmed isagoo u hambalyeeyay dhamaan shacabka reer itoobiya gaar ahaan shacab waynaha soomaalida itoobiya. Wuxuuna maareeyuhu si qoto dheer uga warbixiyay marxaladihii kaladuwanaa ee uu soo maray dalkeenu gaar ahaa cadaadisyadii iyo cabudhiskii ay ku soo hayn jireen shacabka deegaanka. Isagoo raaciyay inay maanta farxad iyo damaashaad u tahay shacabwaynaha dalka khaasatan ka deegaanka.

Waxaa kale oo  khudbad  muhiim ah ka soo jeediyay munaasabadan afhayeenka golaha baarlamaanka DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq wuxuuna ugu horayntii munaasabada xuska maalinta calanka darteed salaan qaaliya u diray dhamaan shacabka deegaanka dalka iyo dibadaba, ciidamada qaranka iyo ciidanka amniga ee deegaanka, waxaana ka mid ahaa khudbadii afhayeenka oo uu yidhi “ mudanayaal iyo marwooyin calankeenu waa astaanta kaliya ee muujinaysa qaranimada, madaxbanaanida, midnimada wada noolaanshaha iyo is-jacaylka shucuubta kala duwan ee dalkeena itoobiya, sidaasi darteed waxaa inagu waajib ah in aan ahmiyada gaar ah siino islamarkaana aan si gaar ah u maamuusno maalintan qaaliga ah inaga oo maskaxda ku hayna dhibaatooyinkii ay shacabkeena u gaysteen nidaamyadii kala duwanaa ee ka soo talinjiray wadanka wixii ka horeeyay dhalashada itoobiyada cusub ee ku dhisan sinaanta, rabitaanka iyo midminada qoomiyadaha dalka itoobiya.

Dhanka kale intii ay munaasabadani socotay ayaa waxay odayaasha deegaanku calankii dalka iyo kii deegaankaba ku wareejiyeen dhalinyarada oo ah jiilka u soo kacaya deegaanka kadibna waxay dhalinyaradu ku wareejiyeen ciidamada difaaca qaranka iyo ciidanka xooga gaarka ah ee deegaanka oo is ku dhafan. taasi oo ay macnaheedu tahay in ay odayaasha deegaanku ku wareejiyeen ilaalinta waynaynta iyo karaamada calanka dhalinyarada oo ah jiilka mustaqbalka deegaanka. Iyadoo dhalinyaraduna ay u dhiibteen ciidamada difaaca qaranka iyo ciidamda gaarka ah ee deegaanka oo isku  dhafan ilaalinta amaanka calanka. iyadoo halkaana axdi lagu ilaalinayo calanka lagu wada galay.

Ugu danbayna,  waxaa calanka saaray madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka xafiiska beeraha marwo sucaad axamed faarax iyo afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq. Iyada oo calan saarka ka dibna uu gudoomiyaha maxkamada guud ee DDSI  mudane cabdilaahi ugaas axdi ku mariyay masuuliyiinta, shaqaalaha, ciidamada kala duwan ee dalka iyo shacabka deegaankuba in ay ilaaliyaan sharafta iyo haybada calanka iyaga oo ku ilaalinaya sii xoojinta hawlaha horumarka iyo hirgalinta qorshaha GTP2