Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Munaasabada 8aad ee xuska maalinta calanka iyo MM Qabrihadar.

Qabrihadar(CN)20 October, 2015  Waxaa si qurux badan looga xusay  maamulka magaalada  qabrihadar munaasabada  8aad ee xuska maalinta  calanka JFDI  taasi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta gobolka oo uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka qabrihadar  mudane yuusuf aadan yuusuf  iyo masuuliyiinta maamulka magaalada qabridahar oo ay ka mid tahay maayirka maamulka magaalada qabrihadar marwo ifraax cumar muuse, saraakiisha xooga  ciidamada qaranka , saraakiisha ciimada booliska gaar ka ah iyo dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabadan ayaa waxaa furitaankeedii ka hadlay maayirka maamulka magaalada qabrihadar marwo Ifraax cumar muuse waxayna si qoto dheer uga warbixisay  isbadalkii siyaasadeed ee uu majaraha u hayey Ururka EPRDF, ee ka dhacay dalkeena itoobiya 20kii Ginboot sanadkii 1983 EC isbadalkaasi oo   dhidibada u taagay dawlada fadaraalka ee ku dhisan Dastuurka dimuqoraadiga ah si cad u xaqiijinaya xaqa iyo xuquuqaha qoomiyadaha shucuubta iyo dadwayga itoobiya una taagay sharafta midnimada iyo qadarinta  qaranimada dalkeena itoobiya, waxayna sheegtay in  Maalinta xuska calankeena oo ah astaanteena gaar ah ay  mudan tahay  sharafta, qiimaha iyo qadarinta  ku wayn quluubta shacab waynaah dalkeena. Gaar ahaan shacabka deegaanka maadaamo oo ay ahayd qoomiyadaha sida gaarka ah loo cabudhin jiray. Waxayna ka warbixisay isbadalada horumarineed ee hadda sida buuxa uga tisqaaday deegaanka.

Munaasabadaa oo ahayd mid si aad u  qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka  hadlay gudoomiyaha gobolka Qoraxay mudane yuusuf aadan  yuusuf wuxuuna sheegay ahmiyada qadarinta iyo maamuusta ay leedahay munaasabadan qaran ee loogu dabaal xuska maalinta calanka isaga oo gudoomiyuhu ka warbixiyay  marxaladihii iyo soolyaalii taariikheed ee uu dalka soo maray iyo heerka uu maanta taagan  tahay. Isaga oo sharax dheer ka bixiyay   maalin qiimo wayn iyo qadarin gaar ah u leh shacabka deegaanka soomalida itoobiya tahayna  maalin shacabka deegaanka u mudan xusid iyo qadarin wayn oo gaar  baal dahab ah kaga qoran taariikhda deegaanka soomalida itoobiya  tahayna maalin  uu xusi doono qof kasta oo muwaadin  tahayna  maalintii ugu horaysay ee deegaanka soomalida itoobiya helay xuquuq la siman xuquuqaha ay helaan deegaanada kale ee itoobiya.

Waxaana si  wada jir ah u saaray calanka gudoomiyaha gobolka Qoraxay  mudane yuusuf ahmed yuusuf iyo maayirka maamulka magaalada qabridahar marwo ifraax cumar muuse..