Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kooxaha Fanka Deegaanka oo ku Sugan dalka Jabuuti.

Jabuuti(CN) 20,October,2015 Waxaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay caasimada dalka Jabuuti ee jabuuti kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI, soo dhawaynta kooxaha fanka DDSI ayaan  loo kala hadhin hadii ay tahay masuuliyiinta dalka jabuut, kooxaha fanka iyo suugaanka dalka jabuuti jahliyada DDSI ee ku nool dalka

Kooxda fanka iyo suugaanka DDSI ayaa siwayn u  bogaadiyay  uguna mahad celiyay guud ahaanba dalka jabuuti ee aan walaahala nahay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay dalka waxayna hoosta ka xariiqeeen in ay tani muujinayso isjacaylka iyo daris wanaaga ay leeyihiin 2 dal  iyo sii xoojinta xidhiidhka dadwaynaha iyo daris wanaaga ka dhexeeya labada dal.

Kooxahan fanka ee deegaanka ayaa waxa ay inta dalka jabuuti  joogaan ku soo bandhidoonaan bandhig faneedyo xiiso galiya bulshada reer jabuuti