Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska Adeega Shacabka oo Tababar furay qaarka mid ah shaqaalah heer deegaan.

Jigjiga (CN) Arbaca 21, October, 2015  Xafiiska adeega shacabka iyo kobcinta awooda DDSI ayaa tababar u furay gudiyada anshaxa ee shaqaalaha  xafiisyada heer deegaan, tababarka oo ka furmay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka ayaa waxa ay ujeedadiisu ahayd  kor u qaadida habka shaqada, anshax marinta xalinta cabashooyinka xaqiijinta waajibaadka shaqada iyo  ilaalinta  xuquuqaha  shaqaalaha.

Waxaana tababarkaa furay wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo kobcinta awooda maamulka DDSI marwo maajida maxamuud maxamed waxayna tababartayaasha sharax dheer ka siisay ahmiyada uu leeyay tababarkani taasi oo ay sheegtay in uu yahay mid lagu xoojinayo xaqiijinta ilaalinta xuquuqaha shaqada isku xidhka cududa shaqaale ee xafiisyada, waxayna wasiiradu sheegtay in tani ka  mid tahay  taabo galinta qorshayaasha horumarineed iyo hananshada horumar bulsho.

Tababarkan oo socon doona mudo 2 maalmood ah ayaa waxa cashiro ka bixinaya khabiiro ka socday xafiiska adeega shacabka iyo kobcinta awooda maamulka DDSI.