Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xaflad lagu daah furayay cidhibtirka caadooyinka xun xun oo lagu qabtay jigjiga.

Jigjiga (CN) Arbaca, 21, October, 2015, xaflada lagu daah furayay barnaajim lagaga  hortaga laguna  cidhibtirka aafooyinka uu leeyahay   dhaqamada xun xun oo ay soo diyaariyeen  xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta oo kaashanaya hay’ada UNICEF ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiirada xafiisyada heer deegaan maareeyayaasha wakaalada DDSI, masuuliyiin ka socoday yahada UNICEF iyo qaarka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xarunta deegaanka.

 Xafladaa oo ka dhacay madasha shirarka ee xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI ayaa waxaa  ugu horayntii  ka hadlay daaf furkii xafladaasi wasiirada xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta  DDSI marwo Raxma suuldaan Maxamuud Haybe waxayna si qoto dheer uga warbixisay ahmiyada uu leeyahay daaf furka barnaamijkan dabar goynta cidhibtirka caadooyinka xun xun iyo ka hortaga guurka deg dega ah  taasi oo ay sheegtay wasiiradu in ay tahay curyaaminta da yarta haweenka, waxaa kale oo ay wasiiradu tilmaantay in uu barnaamijka muhiim u yahay horumarinta arimaha haweenka waxayna wasiiradu sheegtay  in barnaamijkani oo la gaadhsiindoono dhamaan degmooyinka deegaanka in imika uu ka hawlgali doono 8 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka.

Dhankooda afhayeen ku xigeenka golaha xildhibaanada DDSI maro fardawsa maxamed maxamuud iyo madaxa arimaha siyaasada ee XDHSI mudane cumar maxamuud oo ka hadlay daah furkii xaflada barnaamijka cidhibtirka caadooyinka xux xun ayaa si qoto dheer uga warbixiyay aafooyinka iyo caqabadaha uu leeyihiin dhaqamada xun xun ee soo jireen ka ah iyo sida ay xukuumada DDSI ay u xakamaysay sanadihii ugu danbeeyay, balse loo baahan yahay in la sii  xoojiyo jihooyinka lagaga hortagayo  laguna cidhibtirayo dhaqamada xun xun ee uu ka mid yahay gudniinka fircooniga ah.

Sidoo kale intii ay xafladu socoday waxaa kale oo ka hadlay masuuliyiin ka socday xafiisyada ay bahwadaagta ku yihiin hirgalinta barnaamijka iyo masuulka ugu sareeya hay’ada UNICEF  kuwaa oo dhamaantood sharax dheerka bixiyay jihooyinka lagu hirgalinayo baraamijkan waxayna balan qaadeen meelmarinta iyo hirgalinta barjaamijkan oo ah socon doona mudo 5 sano ah.