Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tuulada Galadiid oo loo Qaybiyay Abuurka xulka ah.

Galadiid (CN)  khamiis 22, October. 2015  Maamulka degmada qabridahar ee gobolka qoraxay ayaa shacabka ku dhaqan tuulada galadiid ee beeralayda ah u qaybiyay midhaha  abuurka xulka  oo tayaysan  iyada  oo ku soo beegmaysa xili lagu guda jiro wakhti ay si fiican uga curteen roobabkii

Waxaana halkaasi kula hadlay shacabka  tuulada galadiid gudoomiyaha degmada qabridahar mudane cabdilaahi sheikh axmed oo ka warbixiyay  ahmiyada ay leedahay abuurka xulka ah kuna booriyay shacabka tuuladani in ay ka faa’iidaystaan midhaha dhanka wax soo saarka beeraha isaga oo gudoomiyuhu sii wada hadalkiisa ayaa waxa uu  u sheegay shacabkan in tiirarka ugu muhiimsan ee lagaga baxayo saboolnimadu tahay xoojinta wax soo saarka dhinaca beeraha.

Dhankooda shacabka beeralayda ah ee loo qaybiyay abuurkan xulka ah ayaa si wayn u soo dhaweeyay kuwaasi oo ugu mahad celiyay xukuumada iyo maamulka degmada waxayna tilmaameen in ay sidii loogu talagalay uga faa’iidaysanayaan abuurka xulka ah ee lagu deeqay bulshada.