Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shir lagu Qiimaynayo Qorshaha Hanaanka Baris Barasho oo ka Dhacay Kuliyada Macalimiinta Dr.Cabdimajiid

Jigjiga (CN) jimce 23,October, 2015 Waxaa ka dhacay hoolka shirarka ee  kuliyada tababarka macalimiinta Dr cabdimajiid xuseen  shir lagu qiimayey  habraacyada hanaanka baris barasho, xoojinta hirgalinta  qorshaha GTP2, dib u eegida waxqabadkii qorshihii 2007TI ee kuliyada, meelmarinta wacyigalinta  manhajka cusub ee luuqada Afsoomaaliga, nidaamka maamulka suuban ee baris’barashada iyo fulinta qorshaha sanadka 2008TI.kaasi oo  loo qabtay dhamaan macalimiinta iyo shaqaalaha kuliyada.

Shirka waxaa furitaankiisii ka hadlay maareeyaha kuliyada tababarka  macalimiinta Dr cabdimajiid xuseen mudane maxamuud axmed nuur isaga oo ugu horayntii ka warbixiyay qorshayaasha xukuumada ee ku aadan hirgalinta xaqiijinta siyaasada iyo istaraatajiyadaha ee waxbarashada tayaysan taasina ay fulintiisa lafdhabar u tahay kobcinta iyo  tayaynta xirfada baris baraha, waxaa kale oo uu maareeyuhu sharax dheer ka bixiyay muhiimada shirkan qiimaynta ah leeyahay  taa  oo uu sheegay in uu yahay mid diirada lagu saarayo  hirgalinta qorshaha GTP2 habraacyada shaqo ee hanaanka baris barasho ee kuliyada iyada oo dib loo eegidoono nidaamkii bari barasho ee  hirgalintii qorshihii baris barasho ee  2007 si loo gufeeyo meelihii uu goldaloolada ka lahaa qorshaha sanadka 2008

Wuxuuna maareeyuhu ku booriyay macalimiinta iyo shaqaaluhu in ay noqdaan kuwo u dhaga nuglaada shirkan qiimaynta ah wakhtiga uu socdo islamarkaana ay is ka khibrad qaataan   si jihooyin midaysan looga soo saaro  dhamaadka shirkan oo socontoona muddo 2maalmood ah.