Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Heshiis Ay Kala sixiixdeen Jaamacada Jigjiga iyo Swiss Tropical public health institute

Jigjiga(CN) Axad, 25ka October 2015, kadib booqashadii madaxwaynaha dalka Switzerland  marwo Simonetta Sommaruga iyo waftigeedu ay kuyimaadeen deegaanka ee ay kormeerka indha indhaynta  ah ku gaadheen qaxootiga sheed-dheer  ayay kulan laqaateen mas'uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu horkacayo madaxwaynaha DDSI ahna gudoomiyaha gudiga maamula jaamcada mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas'uuliyiinta jaamacada jigjiga oo uu kamid yahay madaxwaynaha jaamacada mudane Dr. Cabdinaasir.

Kulankan oo ay jaamacada jigjiga iyo machadka laga leeyahay dalka Switzerland ee magaciisu yahay swiss tropical public health institute kukala sixiixdeen heshiishka ayay ujeedada heshiisku ahayd  mashruuc loogu magac daray one health initiative oo ay fulinayso jaamacadu oo wax wayn katari doona caafimaadka dadka iyo xoolaha dhanka cudurada ay isugudbiyaan. iyadoo dawlada switzerlandna ay mashruuca maalgalinayso.

Kulankan oo ay hogaaminayeen madaxwaynaha DDSI ahna gudoomiyaha gudiga maamula jaamacada jigiga mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo madaxwaynaha dalka Swiss marwo Simonetta ayaa waxaa ugu horayn jaamacadu kasoo jeedisay xaalada guud ee deegaanka iyo faaiidada uu mashruucan iskudhafka ahi uleeyahay deegaanka iyadoo mashruucani deeq waxbarasho siiyay 4 katirsan shaqaalaha jaamacada jigjiga oo wadanka switzerland kuqaadanaya xiligan waxbarasho laxidhiidha culuumtan heerka aqoonta ay baranayaana tahay 2 Master ah iyo 2 Phd ah.

Soo jeedinta kadibna waxaa kulanka kahadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo carabka kudhuftay in mashruucani yahay mid wax wayn kabadali doona caafimaadka xoolaha iyo ka dadka labadaba aadna loogu baahnaa. isagoo qeexay madaxwaynuhu inuu mashruucani uu noqdo mid si dhab ah uga jawaaba baahida bulshada xoola dhaqatada ah iyo waliba xoolahooda noqdana barnaamijkani mid joogta ah. madaxwaynaha ayaana kutilmaamay booqashada madaxwaynaha dalka swiss ay kutimid deegaanka mid taariikhi ah.

Dhanka kalana, madaxwaynaha dalka swiss marwo Simonetta oo dhankeeda kahadashay ayaa soo dhawaysay mashruucan sheegtayna in mashruucani yahay mid socon doona waxtar balaadhana uleh bulshada, xoolaha iyo deegaankaba. waxayna intaa raacisay in mashruucan uu kobcin doona awooda shaqaalaha yeelana doona daraasaadyo kaladuwan oo kusaabsana xaaladaha bulshada iyo xoolahoodaba. madaxwayne Simonetta ayaana dhankeeda u sixiixday machadka heshiiskan iyadoo dhanka kalana uu madaxwaynaha jaamacada mudane Dr. Cabdinaasir ula galay heshiiskan.

Ugudanbayna, madaxwaynaha jaamacada mudane Dr. Cabdinaasir ayaa kawarbixiyay sooyaalka taariikheed ee jaamacada islamarkaana kawaramay faaiidada uu barnaamijkani uleeyahay bulshada iyo deegaankaba. waxaa kale oo uusheegay in uu mashruucani uu jaamacada iyo deegaankaba usoo kordhimayo shaybaadha waa wayn oo qayb kanoqon doona mashruucan waxtar balaadhana uleh dadka, xoolaha iyo deegaaanka intaba.

Kadibna waftiga ayaa booqasho indha indhayn ah kusoo maray jaamacada iyagoo halkaana ay jaamacadu kugudoonsiisay hadiyado kaladuwan.