Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Abaalmarin La Gudoonsiiyay Bahwadaagta Waxbarashada DDSI Uga Qaybgashay Shirwaynaha Waxbarashada Dalka

Maqaale(CN) Talaado, 27ka October 2015, Shirwaynihii Waxbarashada iyo Tababarada Heer Qaran ee mudadanba ka socday caasimada Maqale ee Deegaanka Tigray ayaa saaka hoolka wayn ee magaalada maqale munaasabadii gunaanadka lagusoo afmeeray.
Kulankan oo socday mudo lix maalmood ah ayaa natiijadii kasoo baxday si wada jir ah ay Wasaarada Waxbarashada Dawlada Federaalka Itoobiya Iyo Dawlada Deegaaneedka Tigray abaalmarino kaladuwan ku gudoonsiiyeen bahwayntii waxbarashada ee shirwaynaha ka qaybgashay ee natiijada wax ku oolka ah kakeentay qorshayaashii waxqabadka 5tii sano ee lasoo dhaafay.
Xafiisyada Waxbarashada DDSI ooy weheliyaan Kuliyada TVETka, Jaamacada Jigjiga, Dugsiga Hoose Dhexe Ee Sheekh Muuse ee Qabaleega Lafaciise, Dugsiga Sare Ee Dagmada Bookh, Xafiiska Waxbarashada Dagmada Xamaro, Ururka Macalimiinta, Ururka Haweenka,  iyo Ururka Dhallinyarada ayaa abaalmarin kala duwan la gudoonsiiyay iyadoo loogu hambalyeey natiijada waanaagsan ee ay kasoo hooyeen hawlaha waxbarasho ee Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya. waxaana abaalmarinta si wada jir ah u gudoonsiiyay Madaxwaynaha Deegaanka Tigray Mudane Abay Waldu iyo  Wasiirka Waxbarashada Dawlada Federaalka Itoobiya Mudane Shifaraw Shukute.


Gabagabadii ayuu Wasiirka Waxbarashada Dawlada Federaalka Itoobiya Mudane Shifaraw Shukute ku booriyay deegaanada dalka iyo hay'adaha caalamku inay sii xoojiyaan kor u qaadida tayada waxbarashada.Wasiirka ayaa gunaanadkii hadaladiisa yidhi “waan u mahad celinaynaa Deegaanka Tigraay sida sharafta leh ee ay  usoo agaasintay shirwaynahan 25,aad ee waxbarashada iyo tababarada ” Mudane Shifaraw ayaa codsi dheeraad ah usoo bandhigay Sagaalka Dawlad Deegaaneed Iyo Labada Ismaamul Magaalo qaban qaabada shirwaynaha 26 aad ee sanadka dambe goobtii lagu qaban lahaa wuxuu yidhi “goobtii lagu qaban lahaa deegaanada iyo ismaamulada ayaan ka sugaynaa”.