Jijiga (CN) 28.october, 2015 Waxaa ka furmay hoolka shirarka qaryaan dhoodaan ee xarunta deegaanka kulan lagu gorfaynayo waxqabadka horumarineed ee barnaamijka promoting basic services (PBS) oo ah barnaamij kor loogu qaado adeegyada aas aasiga ah ee bulshada kulankaasi oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta xafiisyada horumarinta DDSI, masuuliyiin ka socotay wasaarada maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha JDFI iyo masuuliyiin sare oo ka socday deeq bixiyayaasha caalamka ee dalkeena itoobiya.
Waxaana furitaankii kulankaasi ka hadlay wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane axmed cabdi maxamed oo ugu horayntii u mahad celiyay masuuliyiinka kala duwan ee ka soo qaybgashay kulankaa isaga oo ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay barnaamijkan PBS iyo dadaalada culus ee ay xukuumada DDSI ugu jirto ka midho dhalinta qorshayaasha barnaamijka waxaa kale oo uu ka warbixiyay wasiirku guulaha waxqabad ee ay xukuumada DDSI ka soo hoysan sanadihii ugu danbeeyay meel marinta qorshayaasha barnaamijkaa
Waxaa kale oo ka soo jeediyay warbixinta waxqabadka barnaamijka qaarka mid ah masuuliyiinta xafiisyada horumarka DDSI, barnaamijkan ayaa diirada saara kor u qaadida adeegyada aas aasiga ah ee horumarka sida caafimaadka, waxbarashada, beeraha, biyaha jidadka miyiga waxaa kale oo uu diirada saarayaa nidaamka cad cadaanka iyo islaxisaabtanka iyo waliba ka jawaabida baahida bulshada ee deg dega ah.
Barnaamijkan ayaa tan iyo intii uu ka hirgalay deegaanka gaar ahaan 5tii sano ee ugu danbaysa uu deegaanka soomalida itoobiya guulo dhaxal gal ah ka soo hooyay taasi oo keentay in deegaanka soomalida itoobiya ay deeq bixiyayaasha caalamku u aqoonsadaan in uu yahay mid ku dayasho mudan nidaamka loo hirgaliyo fulinta qorshihiisa markastana tusaale ahaan ay u qaadaan deeq bixiyayaasha caalamka barnaamijkan oo galay wajigii 3aad ayaa waxa inta uu socdo lagu qorfayndoonaa jihooyinka lagu meelmarinayo wajigan 3aad ee barnaamijka.