Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xaflad Loogu Dabaal dagayay sanad guuradii 5aad dugsiga hoyga fiiq oo qabsoontay.

Fiiq(CN) khamiis 29,October, 2015, Xafladaa oo  si aad u qurux badan loo soo agaasimay ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee dugsiga hogya fiiq  waxaana  lagu maamuusayay sanad guuradii 5aad ee ka soo wareegtay aas aaskii dugsiga hoyga agoonta magaalada fiiq.

Xafadaa ayaa waxaa furitaankeedii ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa  maamulka Gobolka Nogob, maamulka dugsiga hoyga agoonta, maamulka degmada saraakiisha ciidanka booliska gaarka ah, qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada fiiq iyo marti sharaf kale.

Waxaana furitaankii xafladaasi ugu horayntii ka hadlay maareeyaha dugsiga hoyga aqoonta fiiq marwo Ubax mursal axmed oo si qoto dheer uga warbixisay taariikh lagu aas aasay dugsiga iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray  iyo heerka uu dugsigu  hada taagan yahay waxaa kale oo ay maareeyuhu ka warbixisay dadaalka balaadhan ee ay xukuumada DDSI galisay dugsiga hoyga agoonta iyada oo sheegtay in ay xafladani tahay mid lagu maamuusayo sanad guuradii 5aad ee ka soo wareegtay aas aaskii dugsiga.

Waxaa kale oo ka hadlay munaasabadaa gudoomiyaha gobolka Nogob mudane Axmed xaaji wuxuuna sharax dheer ka bixiyay siyaabihii ay ku dhalatay aas aaska dugsiga hoyga aqoonta ee fiiq  isaga oo sheegay in ay tahay dawooyinkii lagu dhayayey boogihii uu hadhaagii UBBO u gaysatay shacabka deegaanka waxaa kale oo uu gudoomiyuhu tilmaamay in xuska maanta lagu suxayo sanad guuradii 5aad ee ka soo wareegtay aas aaskii dugsiga hoyga aqoontu uu ahmiyada gaarka maanta leeyahay kana duwan yahay xusaskii hore maadaamo oo buu yidhi dufcadii ugu horaysay ee ardaydani ka qalin babisay  dugsi ay ku jiraan jaamacadaha dalka.

Xafladan oo ay ka hadashay masuuliyiin kala duwan ayaa waxaa kale oo ka hadlay gudoomiyaha degmada fiiq mudane cabdiqaadir maxamed wuxuuna ka warbixiyay dadaalada dheer ee ay xukuumada galisay  tayada waxbarashada ardaydan iyo daryeelkoda  iyo sidii uu dugsigani u noqon lahaa dugsi soo saara arday dayo iyo tiraba leh.

 

Ugu danbayntii maamulka dugsiga hoyga aqoonta ayaa abaalmarino gudoonsiiyay xafiisyadi sida gaarka ah ula shaqaynayay dugsiga hoyga aqonta