Kulankii gorfaynta waxqabadka PBS oo galay maalintii 2aad.

Jijiga (CN) khamiis 29.2015, Waxaa maalintii 2aad ka socda  madasha shirarka  ee qaryaan dhoodaan  kulankii  diirada lagu saarayey    waxqabadka barnaamijka  horumarineed ee  promoting basic services phase III  (PBS III) oo ah barmaamij  ay ku midaysan yihiin  deeq bixiyaal badan oo Wadankeena Itoobiya ka caawiya dhinaca kor u qaadista   adeegyada aas aasiga ah  ee  bulshada  kaasi oo ay ku  midaysan yihiin  barnaamijkan (World Bank, DFID, KfW (Germany), Irish Aid, EU, Austria and Italy )

Haddaba waxa maanta lagu qaadaa dhigayay kulankaasi waxqabadka barnaamijkaa ee 5tii sano ee la soo dhaafay waxaana maanta la dhagaystay warbixitooda xafiisyada ay ka midka yihiin xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha, xafiiska biyaha, iyo  xafiiska  waxbarashada DDSI. Kuwaasi oo soo bandhigay guud ahaanba waxqabadkii barnaamijkan ee 5tii sano warbixinadaa oo ku salaysnaa kor u qaadita adeegyada aas aasiga ah ee horumarka bulshada  

 

Markii la dhagaystay warbixinadaa ayaa waxa la isla qaatay in guulo balaadhan laga soo hooyay dhinacyada adeegyada aas-aasiga ah iyo guud ahaan Maaraynta Maamulka Maaliyadeed ee DDSI shanti sano ee la soo dhaafay taasi oo ay deeqbixiyaasha iyo Dawlada Federaalkuba ay qireen waxqabadka baaldhan ee lagu talaabsaday mudada yare ee shanta sano ahayd (2003-2007 T.I), taas oo mudan tahay  ayay yidhaahdeen  in DDSI  lagaga daydo dhinacyada ka jaawbida baahida shacabka ee bixinta adeegyada aas-aasiga ah iyo cad-cadaanta iyo islaxisaabtanka Maaliyadeed, warbixinadan oo ahaa kuwo I tus oo I taabsii ah isla markaana ay deeqbixyaashu indhahooda ku soo arkeen mudadii ay ku sugnaayeen DDSI  ee ay booqashada ku tageen qaarka mid ah degmooyinka deegaanka