Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Mw cmc iyo wafti uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee goday

Goday (CN) jimce, 30, October, 2015 Wafti balaadhan oo iskugu jira heer deegaan iyo heer faderaal oo uu hogaaminaya madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo ay ka mid yihiin jeneralka ciidanka difaaca qaranka qaybta koonfur-bari  itoobiya  general Abraham Wolde-mariam iyo masuuliyin kale  ayaa gaadhay xarunta gobolka  shabeele ee goday waxaana   si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha  ee  goday, masuuliyinta  maamulka  gobolka shabeele  kuwa maamulka magaalada goday  degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada goday    

Waftigan  balaadhan ee gaadhay xarunta gobolka shabeele  ayaa u tagay shaqooyin muhiim ah iyada oo uu ku soo wajahan yahay   magaalada goday madaxwaynaha JDFI mudane Dr Mulatu Teshome oo  halkaasi  uu ku qaabilidoono madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar   ka ka dib waftiyada  balaadhan  ayaa waxay booqosho shaqo ku  u soo maridoonaan magaalada goday iyo nawaaxigeeda , gobolka qoraxay iyo goobo kale oo ka mid ah  deegaanka.

Wararkaa oo faah faahsan dhawaan kala soco shabakada wararka ee CakaaraNews