Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tartanka Ciyaaraha Kubbada Cagta Ee Sagaalka Gobal Iyo Afarta Maamul Magaalo Oo Ka Furmay Casimada Jigjiga

JIGJIGA (CN) Jimce, 30, Octobor, 2015 Tartanka ciyaaraha kubbada cagta ee sagaalka gobol iyo afarta maamul magaalo ayaa maanta ka furmay xarunta DDSI ee Magaalada Jigjiga. Furitaankii tartankan ayaa waxaa furay Wasiirkii Ciyaaraha Iyo Dhalinyarta Mudane Maxamed Bile , waxuuna sheegay in tartankani uuna ku koobnaan  doonin ciyaaraha kubbada cagta oo kaliya, ayna jiraan ciyaaraha sida  Oradka iyo laliska,  ayna ku loolami doonaan 546 ciyaaryahan oo kala duwan.


Waxa uu intaa kudaray wasiirku in  tartankani uu kaga duwanyahay tartamadii hore waxyaabo badan sida dhinaca abaabulka iyo xulashada kooxaha oo tartan lagusoo xushay.   Waxaa kale oo uu wasiirku balan qaday in taratankan midka ka danbeeya  lagu ciyaari doono garoon roog ah.


Wuxuuna wasiirku gabagabadii hadaladiisa kula dardarmay in dhalinyarta ciyaaraysa iyo taageerayaashuba ay sameeyaan is jacayl iyo is dhaxgal  muwaadinimo iyo aragti fiican, islamarkaana  qorshaha  labaad ee kobaca iyo isbadalka dhaqaale (GTP2) uu dhigayo in tartamada ciyaaraha muhiimad gaara la siiyo lana  dhisayo labo garoon oo caalami ah oo qaadaya 60,000, iyo midka kale oo qaadaya 40,000 oo dada.


Waxa kale oo madashan furitaanka ka hadlay Madaxwayne Ku Xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbrashada  Mudane Mawliid Hayir Xassan oo sheegay in ciyaaruhuu yihiin guulaha hormarineed ee waawayn ee maanta Deegaanku ku faanayo. Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay dhamaan kooxaha in kooxda badisa loo hibeeyo guusha islamarkaana koox kasta ay muujiso daacadnimo iyo is jacayl.


Faahfaahinta Wararka Isbortiga Waxaad Kala socotaa Bogga Cakaaranews Ee Ciyaaraha Dalka