Janaraalka Guud Ee Ciidamada Difaaca Qaranka Oo Lasoo Dhaweeyay

QABRIDAHAR (CN) Talaado, 3, Nov, 2015 Waxaa saaka garoonka diyaaradaha ee magaalada jigjiga si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Janaraalka guud ee ciidamada difaaca qaranka dalkeena Itoobiya Mudane Janaraal Samora Yunis.

Soo dhawayn iyo nasasho yar kadib, ayaa wafti balaadhan oo uu ka mid yahay Janaraalka iyo Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Janaraalka Ciidamada Difaaca Qaranka Dalka Ee Qaybta Koonfur Bari Janaraal Abraha Woldhe Mariyaam u duuleen Magaalada Qabridahar iyagoo masuuliyiinta iyo waftigaba si miiqaam sare leh loogu soo dhaweeyay halkaas.

Hadaba masuuliyiinta iyo waftiga oon wax nasasha ah qaadanin ayaa booqasho indha indhayn ah kusoo maray mashaaricaha waawayn ee ay xukumadu ka hirgalisay Magaalada Qabridahar, ee ay ka midka yihiin: Terminaalka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Qabridahar oo goor dhow xadhiga laga jari doono, Kulliyada Caafimaadka ooy 90 arday xilli dhaw ka qalinjabisay, Dhismaha Modeel Schoolka, Kulliyada Macalimiinta ee TTC Qabridahar, Guriga Martida ee Magaalada Qabridahar ee ay masuuliyiinta iyo waftiguba caawa u dheelman doonaan, Mashruuca Xafiiska Ciidamada Qaranka ee G+4 oo dhamaaday.


Ugu dambayna Janaraalka ayaa kulan la qaatay Odaayasha Magaalada Qabridahar oo si fiican u boogaadiyay uguna mahad naqay kaalinta odaayasha, xukumada iyo shacabkuba ay ka qaateen soo afjaridii UBBO iyo dadaalada horumarka ee ay garab taagan yihiin. Wuxuuna ku booriyay inay xooga saaraan hormarka dhanka wax soosaarka beeraha isagoo sheegay inuusan jirin deegaan maanta haysta kharaadka uu shacabka deegaanka soomaalidu haysto.


Dhanka kale odayaasha ayaa Janaraalka uga mahad celiyay booqashada uu deegaanka ku yimid gaar ahaan Magaalada Qabridahar. Waxayna aad ugu mahad celiyeen ciidanka difaaca qaranka dalka oo runtii ka dambeeyay nabada maanta la hadhsanayo, waxayna u sheegeen jananka in xilligii u dambaysay ee uu yimid Magaalada Qabridahar  ay ahayd meel qas, qalalaaso  nabad galiyo darro iyo hormar la'aani ay ka jirtay balse maanta ay indhihiisu makhraati u yihiin kormeerka uu kusoo maray mashaariicaha waawayn ee Xukumada DDSI iyo ta Fadaraalkuba ka hirgaliyeen magaalada Qabridahar iyo isbadalka guud ee ka muuqda magaalada.