Janaraalka Guud Ee Ciidamada Difaaca Qaranka Oo Dib Ugu Soo Laabtay Xarunta Deegaanka

Jigjiga (CN) Arbaco, 4ta November 2015, Janaraalka guud ee ciidamada difaaca qaranka mudane janaraal Samora Yunis, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti balaadhan oo xalay udheelmaday magaalada qabridahar ayaa booqashadii shalay kadib saaka dib ugu soo laabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga iyagoo gagida diyaaradaha ee garaad wiil waal si heer sare ah loogu soo dhaweeyay.

Kadibna waxaa si wadajir ah loo booqday qaybaha kaladuwan ee ay xarunta cusub ee madaxtooyadu kakooban tahay. Waxaana lagu horeeyay hoolka shirarka ee cusub oo si casri ah loo dhisay kana kooban 2,500 oo kursi kor iyo hoos, 18 xafiis, 24 suuli iyo qaybo kale. 

Waxaa kale oo lasoo kormeeray xafiiska cusub ee madaxwaynaha, xafiiska maamulka iyo guryaha kaladuwan ee martida loo dhisay.

Hadaba Janaraalka iyo madaxwaynuhu ayaa kulan laqaatay saraakiisha ciidamada difaaca qaranka ee xerada garabcase. Janaraalka oo lahadlayay ciidamada ayaa sheegay in dhibaatooyinkii nabadiidka iyo aragtidii dulsaanimo ee 5 sano kahor deegaanka kajirtay lagaga soo gudbay iskaashiga ciidanka difaaca qaranka, ciidanka gaarka ah ee DDSI, xukuumada iyo shacabka deegaanka isagoo intaa raaciyay in deegaanka uu kahirgalay horumar waara iyo nidaam hay’ad kushaqayn oo cagaha isku taagay ilaa heer tuulo mudo yar gudaheedna kutaabagalay. Janaraalka oo hadalka sii wata ayaa sheegay in nabdagelyada iyo horumarka deegaanku gaadhay 5tii sano ee lasoo dhaafay uu yahay mid kudayasho mudan una baahan in ciidanka, maamulka iyo shacabkuba sii adkeeyaan kaalmahooda iyo waliba in kaciidan ahaan ay lagarab taagan yihiin wax kastoo taakulayn ah oo deegaanku uga baahdo

Ugudanbayna, mar uu janaraalku kahadlayay marxaladihii hore ee deegaanka ayuu yidhi, '’ilaa hada 20kii sano ee lasoo dhaafay marka laga reebo 5tii sano ee udanbaysay wax calaamad ah oo miisaaniyadii baxday laga hayo habayaraatee majirto meel ay gashayna lamayaqaano balsse isbadalka nabadgelyo iyo kahorumarineed ee lagaadhay 5tan sano waa mid markhaati madoonto ah oo cid waliba marag katahay, marka xukuumada DDSI mar kufaanid bay mudan tahay marna waajiboodkii iyo xilkii ay umadooda uhayeen bay guteen,’’ janaraalka ayaana ciidanka kula dardaarrmay inay dadaalka halkaa kasii wadaan.

Janaraalka ayaana u gudbay xarunta Dalkeena Itoobiya Ee Addis Ababa.