MW CMC Oo Kadagay Garoonka Caalamiga ah Ee Bole

Addisababa(CN) Jamce, 6da November 2015, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo saaka kasoo duulay xarunta deegaanka ee jigjiga ayaa kadagay garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee xarunta dalkeena itoobiya ee Addisababa-Bole.

Madaxwaynaha oo uu weheliyo afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo isagu shalay soo gaadhay xarunta dalka ayaana kaqaybgali doona shirka golaha dhexe ee EPRDF oo maalinta bari ah kafurmi doona Addisababa.

Shirkan oo socon doona mudo laba maalmood ah ayaa waxyaabaha kasoo baxa aan dib idin kala soo socodsiin doonaa.