Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tababar Ku Saabsan Hirgalinta Barnaamijka Halbeega Waxqabadka Isku Dheeli Tiran Oo Ka Furmay Magaalada Dhabrazeyt

Dhabrazeyt,(CN) Sabti, Nov 07 2015, Tababar ujeedadiisu tahay hirgalinta barnaamijka halbeega waxqabadka isku dheeli tiran ee looyaqaano (Bsc) ayaa maanta si habsami leh ugu bilawday Mac'hadka Maaraynta Itoobiya xaruntiisa Tababarada Ee Dhabrazeyt, waxaana kasoo qayb galay qaar ka mid ah shaqaalaha 4ta Dawlad Deegaan  ee kala ah Degaanka Somaalida, Canfarta, Binshangul Gumuz, Iyo Gambeela.

Tababarkan ooy soo agaasintay  Wasaarada Adeega Dadwaynaha Iyo Hormarinta Cududa Shaqaalaha ayaa waxaa furay Wasiiru Dawlaha Wasaarada ee dhinaca Horumarinta Cududa Shaqaalaha Mudane Alemu Mingistu waxuuna sheegay in tababarkani uu yahay mid faa’iido wayn u leh deegaanada isla markaana ay laga-maarmaan u tahay in ay ficil ku muujiyaan hirgalinta barnaamijka BSC.

Sidoo kale waxa uu intaa ku daray masuulku in 5ta Dawlad degaan iyo labada ismaamul ee kale ay meel fiican marinayaan guulana ay ka keeneen, waxa uuna ku gabagabeeyay in hirgalinta barnaamijkani uu saamayn wanaagsan ku leyahay kobaca dhaqaalaha dalka. Sidoo kale waxaa isna furitaankii kadib ka hadlay agaasinka guud ee qaabilsan deegaanada taageerada gaarka ah lasiiyo mudane mokenin gashow oo si fiican usii faahfaahiyay horumarka xawliga ah ee dalku ku socdo iyo guulihii laga keenay qorshihii hadda dhamaaday ee GTP1, lana filayo guulo ka badan kii hore,qorshahan hadda ee GTP2 door wayna ay ku leeyihiin hirgalinta barnaamijyada dib u habaynta shaqo sida BPR, Citizen Chart, Change Agent iyo BSC.

Si kastaba ha ahaatee tababarkan oo socon doona muddo 6 maalmood ah ayaa waxaa ka soo qayb galay 80 xubnood, iyadooy Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya uga qayb galeen 20 xubnood oo ka kala socda Shaqaalaha Xafiiska Adeega Shacabka Iyo Shaqaalaha Kuliyada Maareynta Iyo Adeega Shacabka.